Skip to main content

Isagoo faraxumeynaya ayuu muuqaal ka duubay

Waa habeen Jimco ah, Feberaayo 12, 2021. Saacaddu waa 01:30 habeennimo. Waxaan ku daahnay galbiska arooska saaxiibkey. Markii aan arooska ka soo laabtay ayaan meel mugdi ah ku arkay gabar indhareer xiran oo aan da'deeda ku qiyaasayo 17 jir. Waxaan warsaday, waxayna ii sheegtay in ay isku soo dhaceen hooyadeed oo ay sababtaas guriga uga soo tagtay. Waxaan waydiiyay halka ay deggan yihiin, waxayna ii sheegtay degmo ka fog tii aan joognay. In aan gurigeyga u wado oo ay caawa nala joogto, berrina aan qoyskeeda u geeyo ayaan isku fahannay.

Markii aan guriga tagnay ayay xaaskeyga igu tiri: wax kasta ayaa dhici kara ee maxaan sameyneynaa haddii caawa naftu uga baxdo gurigeenna? Isla habeenkii ayaan gurigeeda geeyay. Hooyadeed ayaan is warsannay. Waa gabar habarteed lagu furay oo aan aabbe iyo walaal laheyn. Habartii ayaan is garannay oo waxay la dhalatay oo gabadha abti u ah nin aan sallax banooni iskula ciyaari jirnay oo dalka ka maqan. 

Maamadii waxay igu tiri: gabadheydu intaan waa fiicnaan jirtay. Bilahaan ayaan dhaqanxumadaas ku arkay oo inta ishayda iska fiiriso ayay baxdaa. Iskuulkii oo sanadkaan ugu dambeeyana way ka hartay. Mana ogi halka ay u dhuumato.

Gabadhii ayaan dhinac ula baxay. Waxaan ku qanciyay in ay ii sheegto dhibka haysto, waxaana ka ballanqaaday in aan la xallinayo oo aanan cidna la wadaageyn. Gabadhii waxay ii sheegtay in nin ay is barteen siddeed bil kahor uu maalin gurigiisa ku ballansaday, kadibna uu gacmaha la galay, sidaasna uu dareenku uga tagay, ayna soo baraarugtay isagoo ku sameeyay wixii uu doonayay. Uuna mar kasta ku handado in uu faafinayo sawirro iyo muuqaal uu markaas ka duubay haddii ay u iman wayso markii uu u baahdo. Marka ay guriga ka dhuumanaysana ay isaga aaddo, sababtaasna ay iskuulkii uga hartay.

Waxaan gabadhii ku ballannay in ay i soo wacdo marka ugu horreyso ee ninku la soo xiriiro, maamadiina waxaan u sheegay in uu gabadha haysto mushkilad yar oo xalkeedu sahlan yahay, oo aan la xallinayo. Maalin kadib ayay gabadhii i soo wacday, waxayna ii sheegtay in ay ninkii ballansan yihiin. In aysan iska soo bixin oo ay hooyo ogaalkeeda ku soo baxdo ayaan isku fahannay, anigana ayaana hooyadii kala hadlay.

Waa 07:30 habeennimo. Saaxiibkey, Taliyaha Booliska degmada oo aan kiiska sii ogaysiiyay ayaan la xiriiray, wuxuuna igu daray labo askari. Gabadhii bajaaj naga horreyso ayay saarnay tahay, labadii askarina kursiga dambe ee gaarigayga ayay fadhiyaan.

Waxaan istaagnay meel u muuqato halkii ay gabadhu bajaajta uga degtay. Ninkii ayay wacday, wuxuuna soo istaagay iridka qol irid-bannaan ah. Markii ay qolka isla galeen ayaan degnay. Iridda ayaan u garaacay, isagii ayaana iga furay. Markii uu askarta arkay ayuu naxay, waxaanse u sheegay in aysan wax daran jirin, oo aan ahay gabadha abtigeed iyo dacwada aan ugu imid.

Gabadhii ayaa horay ii fadhiso, isagana iyo labadii askarina gadaal ayay saaran yihiin. Ninkii wuxuu ku dooday in uu gabadha qubasiro ku qabo, iyadiina way ka dhaaratay. Moobeelkiisa ayuu ii furay, hal sawirna oo iyada ahna kuma arag, waxaase ku jiray sawirrada gabdho kale. Maadaama uu ku doodayo in uu qabo ayaan ka codsaday in uu ii furo. Mid labadii askari ka mid ah ayaa igu yiri: nin cabsanaya oo qoray u jeedo furriin kama ansaxo ee ninka waqti sii. 

Waxaan waydiiyay ciddiisa iyo halka uu ka shaqeeyo. Waxayba ehel yihiin nin aan Wasaaradda ka wada shaqayno. Ninkii ayaan wacay, waxaana u sheegay in wiilkaan uu gaarigayga gaari kale iiga dhuftay, oo aan dacwadaas u haysto, oo uu isaga dammiin ahaan u qabsaday. Waan la hadashiiyay, wuxuuna ii sheegay in uu dammiin ka noqon karo, oo laga heli karo haddii loo baahdo. Ninkii waxaan siiyay saddex maalmood, waxaana u sheegay in uu ka soo fikiro in uu gabadha furayo, iyo in uu si sharaf leh u soo doonto.

Habeenkii xigay ayuu i soo wacay, wuxuu ii sheegay in uu gabadhii furayo. Waxaan ka dalbaday in uu marqaati u yeelo, wuxuuse ii sheegay in uusan dooneyn in ay dad kale arrinkaan ogaadaan, wuxuuna iga codsaday in aanan cid kale la wadaagin, sidaas ayaana ku soo kala tagnay. 

Iskuulkeedii ayaan ku celiyay. Waana ka warqabaa.

Saaxiib aan isla soo shaqaynay oo aan dadnimo ku aqaanno oo dhacdadaan la kulmay ayaa iiga sheekeeyay. Dab ku shidnaa ayuu ka damiyay. Sidaas oo kale ayaysan dad badan oo dulmanayaal ah u helin cid si hoose u dhagaysata oo ay dhibkooda u sheegtaan.



Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...