Waxaan daawaday tebin toos ah oo uu Shabelle TV Facebook uga samaynayay shir ka socday Royal Palace oo lagu taageerayo dowladda. Shirka waxaan uga dhex jeeday Cali Maxamed Geeddi, Xuseen Caydiid iyo Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmadheere). Waa saddex dhiigyocab oo ay tahay lagula xisaabtamo dambiyadii dagaal ee ay gaysteen. Cali Geeddi oo Raysulwasaare ah iyo Xuseen Caydiid oo Raysulwasaare-ku-xigeen ah waxay Dec 28, 2006 Itoobiya soo galiyeen Muqdisho, oo ay ka xasuuqday dad ku dhow 30,000 waxayna barakicisay shacab hal milyan ka badan.
Feb 16, 2007 Gacmadheere oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu sheegay in ay ciidamada Itoobiya ku saxan yihiin in ay madaafiic ku garaacaan xaafadaha Muqdisho. April 2, 2007 Gacmadheere wuxuu dadkii madaafiicda ka qaxay ku tilmaamay dalxiisayaal, wuxuuna joojiyay gargaar ay hey’adda WFP gaarsiin laheyd barakacayaasha. Dec 16, 2007 Gacmadheere wuxuu sheegay in dadkii ka barakacay dagaalada aysan dib ugu soo laaban doonin Muqdisho.
Dhan kale, Cali Geeddi iyo Xuseen Ceydiid waxay halis ku yihiin jiritaanka Soomaaliya. Dec 10, 2006 Globalresearch oo ah xarun cilmibaariseed oo laga leeyahay dalka Canada ayaa daabacay khariidad ay ku sawiran yihiin dalalka Afrika oo Soomaaliya lagu daray itoobiya, taas oo xubno ka tirsanaa Baarlamaanka ay si qarsoodi ah uga soo qaadeen xafiiskii Cali Geeddi ee magaalada Baydhabo. Cali Geeddi wuu beeniyay, balse ku-xigeenkiisii Xuseen Caydiid ayaa Jan 02, 2007 wuxuu BBC ka sheegay in la baabi’iyey xuduuddii ay Soomaaliya la lahayd Itoobiya, ayna yeelan doonaan hal baasaboor iyo hal ciidan.
April 2020 Cali Geeddi wuxuu Muqdisho ka furtay jaamacad uu ula baxay magaca United Nations Academy of Somalia. May 18, 2020 Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in uu magacaasi been-abuur yahay oo aysan wax xiriir ah iyaga la laheyn. Maalmo kadibna waxaa hawada laga saaray ciwaannadii ay jaamacaddaasi ku laheyd Facebook iyo Twitter, waxaana la xiray xarunteedii. Magacaas arday badan ayaa lagu dhacay oo Wareysi uu Cali Geeddi bixiyay wuxuu ku sheegay in ay qabteen arday ka badan 6,500. Arday kastana waxaa diiwaangelinta looga qaadayay $50!
Cali Geeddi, Xuseen Ceydiid iyo Gacmadheere waa dad uu gacmahooda dhiig ku da'ayo oo baal mugdi ah uga jira taariikhda Soomaaliya. Ma aha in lagu casuumo meel looga hadlayo masiir ummadeed, waana in lagula xisaabtamo xasuuqii ay shacabka u gaysteen. In ay maanta Dowladdu soo dhoweysato oo ay shir ku casuumto waxay direysaa farriin aan wanaagsaneyn, waxayna reer Muqdisho dib u xusuusinaysaa gumaadkii iyo barikicii ay u gaysteen 14 sano kahor. Soomaaliyey toos!
Soomaali hadaa nahay waxaa aad noogu badan cudur ka iloowsha ah dadkaan waxaa laga yabaa in la iska iloobayba lkn Taariikhda ayaa xusayso baal mugdi ahna wayba kujiraan dadka soo casuumayna waa la mid
ReplyDelete