Skip to main content

Dadka sida joogtada ah sawirrada u soo dhigo Baraha Bulshada waxay qabaan xanuunno nafsi ah!

Cilmibaaris uu daabacay Open Psychology Journal oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Swansea University iyo Milan University ayaa lagu ogaaday in dadka sawirrada badan soo dhigo Baraha Bulshada ay ka qaadaan ismahdin (Narcissism personality disorder) oo ah khalkhal nafsi ah oo qofka ku dhalinaya in uu iscajabiyo, uuna isla yeesho muhiimad iyo miisaan uusan dadka ku dhex laheyn.

Sidoo kale, diraasad ay sameeyeen koox cilmibaarayaal ah oo ay hogaaminaysay Prof. Jesse Fox oo cilmunafsiga ka dhigto Ohio State University ayay ku ogaadeen in dadka sida joogtada ah u soo dhigo sawirradooda ay qabaan xanuunno nafsi ah, sida Egomania oo sababeysa in uu qofku kaligiis-wiil ismoodo. Waxayna sheegeen in dadkaas badankood ay ku fashilmeen xiriirka kala dhexeeya ehelkooda iyo asxaabtooda, ayna yihiin dad maahsan markii ay dadka la sheekeysanayaan, ama ay xaflad joogaan, maadaama ay ka fikirayaan sidii, halkii iyo qofkii ay isku sawiri lahaayeen. 

Dhanka kale, cilmibaaris ay sameysay jaamacadda Florida State University ayay ku ogaatay in dadka mar kasta oo ay sawirradooda soo dhigayaan aan sawirka oo dabiici ah soo dhigin ee soo qurxiyo iyagoo filter adeegsanaya uu ku dhaco khalkhal dhanka cuntada ah (Eating Disorder) oo ah xanuun maskaxeed saameynaya maskaxda iyo muuqaalka qofka, oo sababaya in uu cuntada naco ama badsado, si uu ugu ekaado sawirkii uu qurxiyay, maadaama ay sawirradaasi ka beensheegayaan muuqaalkiisa iyo culeyskiisa saxda ah. Waxay sidoo kale sheegeen in ay dadkaasi dareemaan kalsooni-darro marka ay la kulmayaan dad ay Baraha Bulshada iska barteen, maadaama ay ku barteen sawir ay filter ku qurxiyeen.

Sidoo kale, cilmibaaris uu daabacay International Journal of Mental Health & Addiction oo ay iska kaasheen Nottingham Trent University iyo The Thiagarajar School of Management, oo ay ku baareen 400 oo qof oo Hindi ah ayay ku ogaadeen in dadka ku qafiifay sawirrada aysan ku kalsooneyn naftooda oo ay mar kasta iska qaadaan sawirro badan, si ay uga doortaan, si sawirrada ugu quruxsan ay Baraha Bulshada ugula wadaagaan saaxiibbadood.

Waxay sidoo kale sheegeen in dadka qaar ay naftooda halis u geliyaan in ay sawir galaan, oo waxaa dalka India 2017kii iyagoo sawir gelaya ku dhintay 127 qof, oo 111 ka mid ah ay ka soo dhaceen meelo ay u fuuleen in ay sawir ku galaan.

Tixraac:

https://onlinelibrary.wiley.com/doi/epdf/10.1002/eat.23263

https://www.sciencedaily.com/releases/2018/11/181109112655.htm

https://link.springer.com/content/pdf/10.1007%2Fs11469-017-9844-x.pdf

https://daneshyari.com/article/preview/350468.pdf

https://epjdatascience.springeropen.com/articles/10.1140/epjds/s13688-017-0110-z

https://guilfordjournals.com/doi/10.1521/jscp.2018.37.10.751 




Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...