Skip to main content

Aan ku dhex geeyo isbitaalka Digfeer

Waxaan saakay ku kallahay isbitaalka Digfeer. Intii aan dhakhtarka sugayay ayaan ku soo wareegay qeybaha isbitaalka. Marar hore ayaan Digfeer imid, balse maanta ayaan fursad u helay. 


Halkan waa meesha laga jarto lambarrada dhakhaatiirta. Dad badan ayaa saf ugu jira in ay lambar ka goostaan. Dadku fasemask ayay xiran yihiin oo isbitaalkaba sooma geli karo qof aanan wadannin. Iridda isbitaalkana waxaa taagan carruur iyo haween fasemask ka iibinaya dadka soo gelaya. Waxayba ka heleen shaqo-abuur fiican. Boorar ay ku daabacan yihiin akoonnada ay lacagta ku dirayaan dadka goosanaya lambarka dhakhaatiirta waxaa ku qoran EVC, eDahab, Sahal iyo Zaad. Taas oo muujinaysa in isbitaalka looga yimaado ilaa Puntland iyo Somaliland.


Qeybtaan waa bukaan-jiifka carruurta. Ilmo yar yar oo qaarkood xanuun la oynayaan ayaa lagu dabiibayaa. Carruurta waxaa haya hooyooyin ay ka muuqato in ay la xanuunsanayaan, oo ay la qeybsanayaan xanuunka. Halkan waa bukaan-jiifka dadka waaweyn. Markii aan mid eegaba waxaa ii muuqanaya mid ka sii daran. Qolalka bukaan-jiifka carruurta iyo dad waaweynba waxaa hadda ku jira kalkaalisooyin gabdho u badan oo aan filayo in ay xalay shaqaynayeen, waxayna xaaladda bukaannada uga warbixinayaan dhakhaatiir aan malaynayo in ay hadda shaqada soo galeen.


Halkan waxaa dhooban bukaan-socod sugaya in ay dhakhaariirtu qaabilaan. Waxaa halkan keenay xanuunno ay guryahooda ka joogi waayeen. Waa kala daran yihiin, balse mid kasta xanuunkiisa ayaa la daran.


Qeybtaan waa gargaarka degdegga ah. Dad ay hayaan xanuunno kala duwan ayaa hadda la keenay. Bannaankana waxaa taagan gawaari keenaysa bukaanno cusub. Sariir loogu talagalay ayaa looga soo qaadayaa gaariga. Dadku waa kala xaalad culus yihiin, oo qaarkood ayay adag tahay in baabuurka laga dejiyo. Tolow sidee loo soo saaray?


Barxadda ka soo horreyso qeybta gargaarka degdegga ah waxaa ku barooranaya gabdho loo sheegay in hooyadood dhimatay. Waa dareen iyo xaalad culus. Halkan waa qeybta dhalmada. Dad faraxsan oo ay qoysaskooda ku soo biireen ilmo ay sugayeen sagaal bilood ayaa ii muuqdo. Farxad ayaa wajiyadooda ku muuqato. Dadkaas laga geeriyooday iyo kuwa carruurta loogu bishaareeyay waxay saakay ku kala jiraan tacsi iyo tahniyad. Waxaana cajiib ah sida ay isugu muuqdaan oo ay hal goob u wada joogaan iyo sida ay dareen ahaan u kala fog yihiin. Waa harka labadiisa gelin.


Halkan waa maqaayadda isbitaalka. Dad badan ayaa ka quraacanaya. Waa kala duruuf oo qofba tabartiisa ayuu dalbanayaa. Labo qof oo wada qaajeysan oo labo bukaan isbitaalka ku kala hayso ayaa hal miis isla soo fariisanaya. Balse isku awood ma aha oo mid kasta wuxuu dhiibanayaa dalab duruuftiisa iyo dantiisa ku jaango’an. Waa ninba taagtiis ha tillaabsado.


Midigteyda fog waxaa ku lugabaxsanaya dad waaweyn oo bukaan-jiif ah. Qaarkood garbaha ayaa la hayaa sidii cunug socodbarad ah, qaarna kursi ayaa lagu riixayaa sidii cunug fadhibarad ah. Waa adduunyo iyo xaalkeed.


Dhismahaan waa qeybta kilyaha lagu dhaqo. Baabuur badan oo lagu keenay dad si joogto ah kilyaha loo dhaqo ayaa hortooda safan. Xanuunnadu waa kala xanuun badan yihiin. Waxaa ugu daran kan aad weligaa la noolaaneyso. Bal ka warran qofka inta noloshiisa ka dhimman asbuuciiba 2 ama 3 jeer isbitaal u tegaya in kilyaha loo dhaqo?


Muqdisho waxay soo martay waqtiyo adag oo xaalku sidaan ka adkaa, ayna ka shaqeynayeen isbitaallada Madiina, Keydsaney iyo Deyniile kaliya. Tolow dadkaan yaa waagaas daweyn jiray? Waxaa mahadsan isbitaalladii xaaladahaas adag noogu soo adeegay, Turkiya oo si gacaltooyo iyo hagar la’aan ah noogu dhistay isbitaalkaan oo shaqo culus noo haya, loogana maarmay xanuunno badan oo dibadda loo aadi jiray, iyo si guudba bahda caafimaadka ee mar kasta u heellan, naftoodana u huraya in ay daweeyaan dadkeenna xanuunsan.


Cashirka ugu fiican ee ka baran karno isbitaallada waa muhiimadda caafimaadka iyo in aan ku baraarugo, Allena uga mahadcelinno nicmada caafimaadka ee aan moogannahay, dadkaas xanuunsanna aan caafimaad taam ah ugu duceyno.



Comments

  1. Articles kaagu aad ayay xiiso badan u leeyihiin hore usoco ustaad hussein sabrie

    ReplyDelete
  2. Qoraalkaan documentry waa laga sameey karaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...