Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2021

Dadka ku reeb raad fiican oo lagugu soo xusuusto!

Waxaan daawaday khudbad uu Yuusuf Garaad ka jeediyay xaflad uu isku sharraxayay Maxamed Ibraahim Macallimuu. Yuusuf Garaad oo ah Agaasimaha Laanta af Soomaaliga ee BBC ayuu Mucallimuu ahaa wariyaha BBC uga warrama Muqdisho. Yuusuf wuxuu ka sheekayay aqoonta uu leeyahay Mucallimuu, wuxuuna ku sifeeyay nin masuul ah, runyaqaan ah, dhiirran oo aan shaqadiisa cidna uga baqan. Hadalka Yuusuf Garaad waxay ii yeelshay dareen gaar ah, waayo waa Agaasime ka faalloonaya shakhsiyadda iyo anshaxa shaqo ee uu ku bartay nin dhalinyaro ah oo uu xilli adag madax u soo noqday. Muqdisho oo furin dagaal ah oo marna hoggaamiye-kooxeedyadii u kalaxiran, marna ay ku soo duuleen ciidankii Itoobiya ee ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya Itoobiyaankii iyo Muqaawadii ayuu Mucallimuu ka soo shaqeeyay. Halka ay dadka kale kala cararayeen markii dagaal dhaco, isaga shaqadiisu waxay aheyd in uu war ka keeno furimaha dagaalka, oo uu dhegeystayaasha uga warbixiyo dagaalkii dhacay, khasaarihii ka dhashay iyo in uu warey...

Muxuu shaqadii dowladdii Kacaanka uga tegay Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib waa taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Soomaaliya (1962-1966). Wuxuu sidoo kale soo noqday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed (1970-1974), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada (1977-1978), Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga (1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka (1982-1984).  Sanadkii 1984tii ayuu Jaamac iska casilay xilkii Wasiirnimo, wuxuuna ka baxay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka oo uu Golihiisa Dhexe xubin ka ahaa. Janaraal Jaamac ayaan waydiiyay sababta uu xilalkaas isaga casilay, wuxuuna iigu jawaabay: “Mar kasta oo dagaal lagu soo jabo waxaa ciidanka laga filan karaa inqilaad. Markii lagu soo jabay dagaalkii 1977dii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu Maxamed Siyaad ka baqay in xukunkii laga afgembiyo, wuxuuna amar ku bixiyay in la laayo askartii ugu firfircooneyd ciidanka dalka, waxayna Taliyayaashii Ciidanku bishii Maarso ee 1978dii xerada Garabcase ee duleedka Jigjiga ku laayeen 83 ka ...

Dar Alle ayaan u cafiyay dadkii i cuuryaamiyay

“Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Aniga oo 9 jir ah ayaan subax ari raacay. Duhurkii ayaa oon i qabtay, kaddibna geed hoostiis ayaan seexday. Intii aan hurdayay ayaa arigii iga tegay, goor dambe ayaana hurdadii ka kacay. Arigii ayaan raadiyay, badankiis waan helay, waxaana iga maqnaatay 12 neef, maqribkii ayaana guriga keenay. Habeenkii ayay timid eeddo oo magaalada jirtay. Markii ay 12kii neef tebtay ayay i garaacay anigoo hurdaya. Waan ka cararay, duurka ayaana habeenkaas seexday.  Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado. Eeddo oo maqan ayaan subixii guriga imid, wiilkii ayaana geed igu xiray. 6 saac ka badan ayaan geedkui ka xirnaa. Xariggii ayaa gacmaha iga naafeeyay, mana helin daryeel caafimaad. 4 bil kaddib ayaa isbitaal la i geeyay, waxba waa ka qaban waayeen, sidaas ayaana labadeydii gacmood la iiga jaray. Hadda eeddo iyo wiilkeedii dar Alle ayaan u cafiyay, maanta ayaana...

Mowliidkii aan indhaha ku soo kala qaaday

Goortu waa 20 sano ka hor, goobtuna waa tuulada Dac oo hoostagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Sanad kasta marka la soo gaaro bisha Mowliidka waxay tuuladu laga xusi jiray dhalashadii Nabi Muxammed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadaanee. Jufooyinka dego tuulada waxay hareeraha deegaanka ku lahaayeen goobo ay saldhigtaan oo ay Mowliidka iyo munaasabadaha kale ku dhigtaan. Jufadeydu waxay maalmahaas degi jirtay Ximcadde oo ah ceelka ka muuqdo sawirka hoose oo 5KM Koofur uga beegan tuulada Dac. Xoolo iyo cunto fara badan ayaa Ximcadde la isugu geyn jiray. Qoys kasta waxay keenayeen ari, caano, bariis iyo sokor lagu cunteeyo maalmaha halkaas la joogo. Geedaha waaweyn ee Ximcadde ayaa la waabi jiray si loo harsado, looguna hoydo seddaxda maalin ee halkaas la deggan yahay. Seddaxdaas maalin waxaa na loo fasaxi jiray dugsiyada Quraanka iyo iskuullada, taas oo noo fududeysay in aan ka dhex muuqanno Mowliidka. Waxaan u lugeyn jirnay Ximcadde. Halkaas ayaana maalmahaas ku soo q...