Skip to main content

Mowliidkii aan indhaha ku soo kala qaaday

Goortu waa 20 sano ka hor, goobtuna waa tuulada Dac oo hoostagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Sanad kasta marka la soo gaaro bisha Mowliidka waxay tuuladu laga xusi jiray dhalashadii Nabi Muxammed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadaanee.
Jufooyinka dego tuulada waxay hareeraha deegaanka ku lahaayeen goobo ay saldhigtaan oo ay Mowliidka iyo munaasabadaha kale ku dhigtaan. Jufadeydu waxay maalmahaas degi jirtay Ximcadde oo ah ceelka ka muuqdo sawirka hoose oo 5KM Koofur uga beegan tuulada Dac.
Xoolo iyo cunto fara badan ayaa Ximcadde la isugu geyn jiray. Qoys kasta waxay keenayeen ari, caano, bariis iyo sokor lagu cunteeyo maalmaha halkaas la joogo. Geedaha waaweyn ee Ximcadde ayaa la waabi jiray si loo harsado, looguna hoydo seddaxda maalin ee halkaas la deggan yahay. Seddaxdaas maalin waxaa na loo fasaxi jiray dugsiyada Quraanka iyo iskuullada, taas oo noo fududeysay in aan ka dhex muuqanno Mowliidka.
Waxaan u lugeyn jirnay Ximcadde. Halkaas ayaana maalmahaas ku soo qaadan jirnay farxad iyo damaashaad aan xusuusteyda ka go'in. Raggu waxay kala lahaayeen shaqooyin ay si isxilqaan ah u qaban jireen. Qaar waxay qaabilsanaayeen in ay cuntada kariyaan, qaar waxay raaci jireen xoolihii goobta la isugu keenay, qaar ariga ayay qali jireen, qaarna waxay dooni jireen wixii tuulada looga baahdo.
Rag loo xilsaaray in ay xoolaha qalaan ayaan caawin jirnay marka ay ariga qalayaan, waxaana xeer meesha ka jira aheyd in ay beerka iyo killiyaha na siiyaan markii aan u qaqabanno neefka ay bireynayaan. Cunug kasta isaga oo beer iyo killiyo ari wato ayaan isugu tegi jirnay duleedka Ximcadde. Inta meeshaas dab ka shidanno ayaan kilyaha iyo beerka ku duban jirnay, halkaas ayaana ku wada cuni jirnay beer iyo killiyo duban oo macaan badan.
Subax iyo galab kasta Quraan ayaa meesha lagu akhrin jiray, annagoo yaryar ayaa si gaar ah na loo xurmeyn jirnay oo waxaan la safan jirnay oo Quraanka la la akhrin jirnay culimada. Culimada iyo Kutaabta badar hala siiyo inta nala dhaho ayaana halkaas si qurux badan noogula soori jiray.
Markii seddax maalin iyo seddax habeen Ximcadde la joogo oo halkaas Quraan lagu akhriyo, lagu duceysto, la isku warsado, loogana tashado aayaha reerka ayaan maalinka ugu dambeeyo Dac lagu soo laaban jiray, waxaana la isugu tegi jiray guriga adeerkey Ilkacadde.
Waxaa halkaas la isaga warsan jiray xaaladaha dadka danyarta ah iyo sida ay dadku u kala daran yihiin, waxaana xoolihii iyo badarkii Mowliidka ka soo haray la kala siin jiray dadka duruufeysan ee loo arko in ay mudan yihiin in la gacanqabto.
Sidaas ayuu Mowliidku iigu leeyahay xusuus carruurnimadeyda ku tolan oo aan maankeyga ka go'in. Mowliidku wuxuu noo ahaa munaasabad farxadeed oo dugsiyada na loo fasaxo, tolkii beled iyo baaddiyo kala jirayna ku kulmo, oo isku warsado, aayahiisa uga tashado, Quraan ku akhristo, kuna duceysto, dadka danyarta ah laga kaalmeeyo.
Allow u naxariiso oo nabadgeli Nabi Muxamad.





Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...