“Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Aniga oo 9 jir ah ayaan subax ari raacay. Duhurkii ayaa oon i qabtay, kaddibna geed hoostiis ayaan seexday. Intii aan hurdayay ayaa arigii iga tegay, goor dambe ayaana hurdadii ka kacay.
Arigii ayaan raadiyay, badankiis waan helay, waxaana iga maqnaatay 12 neef, maqribkii ayaana guriga keenay. Habeenkii ayay timid eeddo oo magaalada jirtay. Markii ay 12kii neef tebtay ayay i garaacay anigoo hurdaya. Waan ka cararay, duurka ayaana habeenkaas seexday.
Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado. Eeddo oo maqan ayaan subixii guriga imid, wiilkii ayaana geed igu xiray. 6 saac ka badan ayaan geedkui ka xirnaa. Xariggii ayaa gacmaha iga naafeeyay, mana helin daryeel caafimaad. 4 bil kaddib ayaa isbitaal la i geeyay, waxba waa ka qaban waayeen, sidaas ayaana labadeydii gacmood la iiga jaray.
Hadda eeddo iyo wiilkeedii dar Alle ayaan u cafiyay, maanta ayaana iigu dambeysay oo aan wiilkii i naafeeyay taleefan kula hadlay. Alle mahaddiis gacmaheyga waan ku adeegtaa. Waxna waan bartaa, oo waxaana semester 7 ka ahay Jaamacadda SIU.”
Waa sheekada Cabdirisaaq Warsame Abtidoon oo aan caawa ku kulannay barnaamij ay Astaan TV iyo Guddiga Ciyaaraha Naafada ku dhiirrigelinayeen dadka qabo baahiyaha gaarka ah. Mustaqbal ifaya ayaan u rajaynayaa saaxiibkey Abtidoon.
Ax wa xanuun, reer miyigu badanaa sidas we isku galaan, hada kahor ba anigo malma fasax ah joga ayan guri biyo udontay, biyahi marki islaanta guriga laheyd ii kentay anigo cabayaa ayaa ninkedi wax ay isku heysteen ma aqane haraanti/darbo feraha kaga dhiftay kadibne we oysay, ma intaan ayad ka oynee inu dhhy ayu si xanaqay uu feer iyo jubad la dhacay, aniga xita biyaha ma dhamesan oo ninka intan ka cabsaday canug yarne wan ahaye ka dhuntay
ReplyDeleteAx waa dhacdo xanuun badan any way dhibaato kasta oo uu soo maray alle ha ugu bedelo wax wanaagsan caafimaad iyo horumar baan u rajaynaynaa
ReplyDelete