Skip to main content

Muxuu shaqadii dowladdii Kacaanka uga tegay Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib waa taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Soomaaliya (1962-1966). Wuxuu sidoo kale soo noqday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed (1970-1974), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada (1977-1978), Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga (1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka (1982-1984). 


Sanadkii 1984tii ayuu Jaamac iska casilay xilkii Wasiirnimo, wuxuuna ka baxay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka oo uu Golihiisa Dhexe xubin ka ahaa. Janaraal Jaamac ayaan waydiiyay sababta uu xilalkaas isaga casilay, wuxuuna iigu jawaabay:


“Mar kasta oo dagaal lagu soo jabo waxaa ciidanka laga filan karaa inqilaad. Markii lagu soo jabay dagaalkii 1977dii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu Maxamed Siyaad ka baqay in xukunkii laga afgembiyo, wuxuuna amar ku bixiyay in la laayo askartii ugu firfircooneyd ciidanka dalka, waxayna Taliyayaashii Ciidanku bishii Maarso ee 1978dii xerada Garabcase ee duleedka Jigjiga ku laayeen 83 ka mid ah ciidankii xoogga dalka. 


Taasi inqilaabkii ma baajin oo waxaa April 1978dii dalka ka dhacay afgembi dhicisoobay., waxaana la toogtay saraakiishii ka dambeysay afgembiga. Wixii inqilaabkaas ka dambeeyay, wuxuu Maxamed Siyaad shaki weyn ka qaaday dadkii la shaqaynayay. Wuxuuna xabsiga dhigay 7 ka mid ah Golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka oo uu ku eedeeyay in ay inqilaab maleegayeen. Xubnahaas la xiray waxaa ka mid ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii dalka Ismaaciil Cali Obokor, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Cumar Carte Qaalib. 


Maxamed Siyaad wuxuu sidoo kale howlgab ka dhigay 8 Janaraal oo dhalinyaro ah oo ka mid ah haldoorkii ciidanka, sida Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caarre), Ismaaciil Neero iyo Cabdiraxmaan Cali Cumar, wuxuuna Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ka dhigay wiilkiisii, Maslax Maxamed Siyaad Barre.


Waxaa la qabyaaladeeyay qarankii, oo waxaa xilalkii lagu tixay ehelka Madaxweynaha. Awooddii dowladdana waa lagu takrifalay oo waxaa lagu dulmiyay qabaa’il gaar ah. Waa dalka ka dhacayay dambiyo ay ii cuntami waysay in aan marqaati ka noqdo. Marka ma dooneyn in aan masuuliyadda qaladkaas wax ku yeesho, rejo kalena iima muuqan oo waa laga quustay in uu hoggaankii kacaanku hagaago, sababtaas ayaana uga tegay shaqada Dowladda. Markii aan shaqada dowladda ka tegay waxaan beer ka tacbaday degmada Afgooye. Waxaan ku biiray ururkii Qareennada Soomaaliyeed, waxaana xafiis nootaayo ka furtay Muqdisho.”




Comments

  1. Xusanow Macalimow waxaan ka faa'iideysadeya casharo badan oo aan weliga qof kale aan ka helin wanna kaaga mahad celinayaa Howsha aad u hayso dhalanyarada. Run ahaantii ma ahan shaqo yar ee waxaan ku leeyahay horeya u soco waad liibaani doonnta. Alle haku barakeeyo oo haku xafdiyo aduunyo iyo Aakhroba.

    ReplyDelete
  2. Mar walba Negative Soo qor sidaas barakac haka billowdee, aqoon yahannadii ayaa sidaada oo kala ah, manabad ayaa lafilayaaba? Mid walba qalinkiisu wuxuu rabaa inuu ku abuuro cuqdad, iyo dhibaato horay u dhacday, sxb horay u soco oo dartaa laysku diri

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...