Skip to main content

Macallin Farmaajow Mahadsanid

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad kobcisay wacyiga iyo ogaalka dad badan. Dad  danahooda iska raacan jiray, oo aan siyaasadda iyo xaalka dalka waxba kala socon jirin ayaad ku qasabtay in ay hurdada ka kacaan oo ay aragti ka yeeshaan waxa dalka ka dhacaya. Aan kuu tusaalaayee, Mohammed Deeyoo oo fanka ka shaqeyn jiray ayaad ka dhigtay muwaadin dhiifoon oo ka faalloodo xaaladda iyo masiirka dalka.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Dadka ayaad na kala bartay. Waxaad abuurtay duruufo iyo xaalado adag oo lagu imtixaanay damiirka iyo dadnimada qofka. Waxaad kala miirtay dad badan oo isku dhex jiray. Doqonta iyo waxgaradka ayaad na kala tustay. Danleyda raqiista ah ee la iibsan karo ayaad naga bartay kuwa mabda'a iyo dadnimada leh ee aan ogoleyn in damiirkooda shilimaad lagu gorgoriyo. Dambiyadii waaweynaa ee dalka ka dhacayna waxaad ku barannay in dad badan oo xuquuql-insaanka iyo xuquuqda haweenka u doodi jiray ay ku qaraaban jireen ee aysan ka aheyn wax ay aaminsanaayeen.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Dad badan oo rajo ka qabay in Soomaaliya xoog iyo kalitalisnimo lagu haysan karo ayaad u caddeysay in dadkeennu feejigan yihiin oo aan dalkaan lagu dhaqi karin wax aan heshiis lagu aheyn. Waxaad nagu baraarujisay halista ay leedahay in xil loo dhiibo qof aanan aqoon durugsan loo laheyn. Waadna ku mahadsan tahay in aad gubtay kaarka waddaniyadda bugta ah oo aanan mar dambe lagu qaraaban doonin.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay maalmuhu u wareegayaan oo qof shalay xoog badnaa uu maanta u noqon karo miskiin tabar yar. Waxaad na bartay in ay muhiim tahay in qofku inta uu tabarta leeyahay uu sharciga ilaaliyo, si sharciguna isaga ugu hiilliyo maalinka uu tabar yar yahay ee uu u baahan yahay sharci uu maciinsado. Waxaad sidoo kalena na bartay in ay fiican tahay in uu qofku mar kasta ka dhiidhiyo dulmiga loo gaysanayo dadka kale. Dad badan oo shalay ku faraxsanaa dulmi lagula kacay dad kale ayaan aragnay iyagoo oo cabaadaya, kaddib markii uu soo gaaray dulmigii ay shalay taageersanaayeen.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad furtay doodo iyo qadiyado waaweyn oo ay qasab tahay in ay Soomaalidu iska warsato. Dad badan oo nidaamka Federaalka saluugsanaa ayaad ku qancisay in Federaalku yahay xalka ugu fiican ee Soomaaliya ku badbaadi karo, maadaama ay suuragal tahay in uu Villa Soomaaliya soo fariisto hoggaamiye damac gurracan adiga oo kale. Dad badan oo qabiilkooda aqoonninna waxaad ku qasabtay in ay hurdada ka toosaan oo ay qabiilkooda iyo qabiilkada kaleba kala bartaan. 


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in aan laablakac, qiiro been ah iyo qardajeex Soomaaliya lagu dhisi karin. Qofkii isku dayana uu ugu dambeyn isagoo tabar iyo talaba seegay ku nafbixi doono meel bahgooyo ah oo aysan ka dhoweyn cid u soo ciidamisa. 


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in dadka caadaqaatayaasha ah ay dantooda daacad u yihiin ee aysan aheyn walaalo kula dhashay oo mar kasta ku garabtaagan. Waxaan aragnay dadkii markii aad shalay xoogga laheyd kuu sacabtumi jiray oo maanta kaa kala firxaday markii ay arkeen adiga oo sii nafbaxaya, kuuna gefaya si ay dadka kale u tusaan in ay kaa soo kala carareen.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay dadku u kala qeybsan yihiin. Dadka ciilka iyo cuqdadda qaba ee jecel in dadka ay naceybka u qabaan la dhibaateeyo ayaad naga bartay dadka kale ee jecel in nabad lagu wada noolaado.


Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tustay in dadka dulmidiidka ah ee damiirkoodu nool yahay ee ay mar kasta ka mustaqbal fiican yihiin caadaqaatayaasha danleyda ah. Waxaan aragnay kuwii shalay dulmiga kuugu sacabtumayay oo maanta dhibbanayaal u ah in ay adiga ku taageereen iyo raggii kula dagaalay oo si dhib yar ku soo helay kuraasta beelahooda.


Macallin Farmaajow mahadsanid. 5 sano ayaad nagu bartay cashirro baraatiko ah oo aanan iskuullada iyo jaamacadaha lagu dhigin. In badan mahadsanid Macallin.



Comments

  1. Macalinkayna waan U Wada Mahad celinaynaa

    ReplyDelete
  2. Si Cashiro Kale Macqlimka Ooga qaadano Qormadan Qormo La Mid qhna aad Ooga qarto Shan sanoo Kale Inaan soo laabto Mayna ahayn ustaad Hhh

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...