Bishii November ee 2010kii ayaan Facebook ku soo biiray, si fudud ayaana ula qabsaday, waayo dadka aan ugu imid waxay ahaayeen Soomaali af Soomaali ku hadlaysa. Saddex bilood ka dib ayaan Twitter aaday bishii February ee 2011, waxaana igu adkaatay in aan la qabsado dhaqankii ka jiray, waayo Soomaalida iyo af Soomaaliga ayaa ku yaraa dadkii aan ugu tegay.
Bishii January ee sanadkaan ayaan mar kale Twitter ku laabtay, ciwaankeygii hore ayaan dib u furtay, dad Soomaali iyo ajaanib ah oo ay ii fududaatay in aan la jaanqaado ayaana ugu tegay.
Twitter waa magaalo deggan oo ay naftu ku raaxeysaneyno qoraalladeeda kooban, kala duwan, ee waaqiciga ah, ayna uga nasaneyso buuqa Facebook ka jira iyo dhaqanka liita ee ah in hal mowduuc oo aan naf laheyn lagu wada yaaco.
Erayada uu qofku Twitterka ku soo qori karo oo ku xadidan 280 xaraf iyo qoraalka oo uusan waxba ka bedeli karin haddii uu daabacdo ayaa qofka ku qasbaya in uu farriintiisa ka fiirsado in uusan soo dhigin, mana tiri karo faallooyinka dadka xitaa haddii uu qofka Block saaro, in kaste oo ay dhowaan soo kordhiyeen in uu qofku iska qarin karto faallooyinka uusan rabin.
Qoraallo caqli ku dhisan oo ay ka dambeeyaan sabab iyo ujeeddo, dadkuna ay ka dhiibanayaan faallooyin maangaal ayaan Twitter ugu tegay, dadkuna kuma mashquulaan qofka wax soo qoray ee waxay ka faalloodaan mowduuca uu ka hadlay, mana ka jirto nacamleynta Facebook taalla ee uu qofku sameysanayo dad mar kaste u sacabtuma, oo qof ama koox Xoogagga Waddaniyiinta oo kale ah way ka adkaaneysaa in uu caalamka Twitter ku noolaado.
Dhaqanka ugu fiican ee aan Twitter ku arkay waa in qofka lagu qiimeeyo tayada iyo nuxurka qoraalkiisa, oo aysan micno badan ka laheyn magaca iyo mansabka uu qofkaasi leeyahay.
Markii aan Facebook ku jiro waxaan dareemaa inaan ku joogo xaflad Soomaali lagu casuumay, balse marka aan Twitterka ku jiro waxaan dareemayaa in aan joogo goob ay dad kala duwan isugu yimideen. Dad Soomaali iyo ajaanib isugu jira ayaa ka falcelinaya erayo aad qolkaada ka soo dhex qortay, waana meel aad farriintaada ku gaarsiin karto cidda aad u rabto.
Dhalinyaro aan Facebook ku aqaanno waxaan ku shakiyaa in ay isla iyagii yihiin iyo in kale markii aan Twitterka ku arko, waayo waxaan arkaa qof Twitter xikmad la joogo oo aamusaya ama ka hadlaya wax ka duwan wixii aan uga bartay markii uu Facebook soo galo, halkaanna u soo aado baashaal iyo qaraaxo, waxaana ugu wacan in ay mar kaste xirtaan ookiyaalaha laga xiran yahay halka ay markaas joogaan.
Twitterka waxaan ku arkay dad Soomaali ah oo Soomaali la hadlaya, arrin Soomaaliyeedna ka hadlaya, oo af Ingiriis ku hadlaya, kana faanaya in ay af Soomaali ku hadlaan. Malaha, waxaa dhaqankan abuuray diyaasbarada oo Twitter ku badan, dib-u-dhacna u arka in ay Soomaali ku hadlaan.
Dad sheegto wax aysan aheyn ayaan Twitter ugu tegay. Waxaan ku arkay arday jaamacaded oo qortay in uu yahay khabiir maaliyadeed, mid hadda qalinjebiyay oo sheeganaya cilmibaare sare, iyo mid aan quutulyoomkiisu meel u saarneyn oo qortay in uu yahay aqoonyahan sare oo ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika.
Dad kooban oo isyaqaanna oo kooxkoox isugu xiran ayaan Twitter ugu tegay, Soomaali badan ayaana hadda ku sii firxaneysa, dhalinyaro badan oo Facebook iyo Instagram ka tagtayna waxaa ku adkaatay in ay Twitter la qabsadaan, waayo waxay la tageen wixii ay Facebook iyo Instagram la joogeen, halka uu Twitterku kugu qasbayo in aad la qabsato dhaqanka ka jira.

Sxb Waxaad Ka Hadashay Wax Sax Ah Twitter Waxaan Kusoo Biiray 2017 Waan Ku Wareeray Waxaan Dib Ugu Soo Laabtay 2018 Appkaan Sidaan U Bartay Waxaa Igu Yaraaday Isticmaalka Facebook Iyo Instagram Twitter Waa Appka Aan Ugu Isticmaalka Badanahay Wax Badana Waan Ka Faa'iiday
ReplyDeleteMahdsanid walal xaqiqda ayad ka hadashey in badan waxan isticmala twitter ka Apps kii kale xitaa waan hilmamey wxn ku arkey deganan isqabqabsi la'aan bartilamamed gaar ahned kama jirto qofkana waxaa lagu tixgeliyaa ama lagu qimeya waxaa uu aminsan yahy ee laguma tixgeliyo waxaa uu yahay.run ahnti waa maqaal isoo jiitey waana kaga mahd celinaya sida quruxda badan ee aad maqalka kooban ee xambarsan nuxur weyn noola wadaagtey
ReplyDeleteMAHADSANID!!!
Waxaad kaloo jirta in qofka rabo inuu warbadan qoro uu xeeladeysto kuna soo qoro sawir kadibna uu soo galiyo. Si uu uga baxo xeyndaabta twitter-ka.
ReplyDeleteLa qabsi la'aanta ugu wayan waa inaadan qoraal dheer ku qori karin, oo waa kooban yahay waxa la qoray marka waa inaad waxa qorayso aad usoo koobto
ReplyDeleteAad oo weyn Twitter wakhtiyar ka hor way ahayd meel cilmi badani yaal dad ay maskaxdooda fekerkoodu aad u sareeyo ayaa wax ku falanqaynjirey lin maanta taasi mataal waxaad Moodaa in macnadaradii FB taaley halkan loo soo array.
ReplyDeleteMahadsanid walaal runtii markii aan akhiranyay qoraalkaaga waxaan mooday inaan anigu qoray sababtuna waxa weeye dhacdoodinka oo si isku mid noogu dhacay mahadsanid mar labaad saaxiib.
ReplyDeleteFaalo qurux badan ayaad ka dhiibtay twitter ka taa oo ku saabsan habdhaqan ka ka Jira caalamka twitter ka iyo farqiga udhaceeya Facebook iyo twitter ka aniga ahaan waan kugu raacay waayo twitter waxaa looga hadlayaaa waxa ka Jira caalamka Facebook waxaa looga hadla waxa laysku shukaansado marka meel mawada gali karaa
ReplyDeleteAniga twitter waxaan si toos ah ugu soo biirah 2018 aniga oo marar badan isku dayay in aan la qabsado lkn aan laqabsan waayay markii aan Dib ugu soo laabtay 2018 ila hada in yar ayaan Kala qabsaday inta aan Kala qabsadana waxaa ugu wacan in aan arkay somalia badan oo ku soo qoraya somali inkastoo ay jiraan dad kafaana luqadooda hooyo aniga ahaan aad ayaan ula dhacay inta aan Kala qabsaday
Hussein sabrie aad ayaan ula socdaa qoraaladaada inta badan
Mahadsanid
Masha Allah waxaad ka hadashay wax ku ku galayaan xaqiiqoyinka dhbata ah ee soomalida iyo say u isticmaalan abraham bulshada.
ReplyDeleteAnigu Twitter waxa ka faaiday ina ka oglaaday waxa caalmka ka socda si ka Hodan sida Facebook loogu sheego, aqoon yahano kala duwan oo Soomali iyo jaanis leh, halka Shah ee an ka yaabayna waxa weeyi dadka badankiisu siyaadada ayey ka hadlaan.
Allaha nagu aamnsado isticmalka baraha bushada sideedaba Shah walba wa mid laba af leh, marka adaa Goanka gaadhi Kara kaad ka dhigan.
Mahadsanid macalin Xuseen. Adoo miidhan ba ka faaiday Twitter ka ๐
Waxooga type error ayaa dhacay raali ahaada.
ReplyDeleteGalayaan*salaysan
Abraham*Baraha
Ogalaaday* ogaaday
Hodan*Hufan
Jaanis*Ajaanib
Shah*shay
Ciyalki xafada o nagu warershay facebok halkan wan kaga nasanay wax guul waden la dhahana kama jirto
ReplyDeleteDhamman intaad soo qor waa wx sax ah oo jiro. Waxaan Twitter ku arkay masuul xilkii laga qaday hadane markaad gasho profilekiisa ugu aqoonyahay current Minster of ..... dad badan ayaa qorto wax uusan aheyn sidaad sheegtay.
ReplyDeleteSharaf iyo qadarin ku hayaa Hussein waxaad kamid tahay Dadka aan halkaan saaxibka ku nahay!
๐
Hadalkaan xaqiiqda ayow taabanayaaa xaraf kasta oo aan aqrinayo waxan umaleya in ow itaabanayo sidii igu dhacday ayaana sidaas aheed. Waxyaabaha aan meshan ka faido waxa waaye 1 dad ka dunida oo aad la soconeyso tusaale qof madaxda Somalida kamid ahi hadow aduunka lakulmayo uma baahnid in aaad raadiso asaga keenaya halkaan
ReplyDelete2. Dadka aqoontoodu hooseyso ee iska hadlaya waan ka nasty sidaad sheegtyna twetter ayaa afka qabty.
3 halkani waa qol xiran waxaana ku jiri kara qof dan aan asaga aheyn leh.
4. Waxan ka bartaa kuuqadaha oo waxa lagu hadlayo maahan luuqadahii qarniyadii hore waxkastoo igu cusub waan raadiyaaa.
Facebook waa xaflad somalidu ledahy been maahan.
wll aad baad ugu mahadantahy xogta faahfaahsan ee aad naga siisay xogaha twitterka anigu waxan kusoo biiray saaka 11AM ilaa hadan waxn waday oo kaliya indhoindhayn kaliya waxbadan baad ii iftiimisay mahdasanid markale
ReplyDeleteWllo, mahadsanid waxaan ka mid ahay dadka maqaaladada akhriya wax badan ayaan kaa faa'iiday.
ReplyDelete"Mid quutulyoomka meel u sarneyn oo qortay aqoonyahan sare" aad Ayn ugu qoslay mxaa yeelay runta ayaad ku kaftantay. Si kasto ha ahaato, Twitter waxaan ku soo biiray 2017 ki waan la qabsan waayey waana iskaga tagay oo English aad uma aqoonin juhdi dheer ka dib English ayn so bartay 2019 ki March Ayn ku soo noqday lkn English ki aan soo bartay ma isticmaalo badanaa mxaa yeelay dadnimadeyda ayaa ii diiday iyo aqoonyahan adiga aad ka mid tahay uguna imid garoonkan oo yareeyey kusoo gudbinta fikradahooda luqadda English ka.
ReplyDeleteMahadsanid.