Skip to main content

Safarkii aan ku tegay caalamka Twitterka

Bishii November ee 2010kii ayaan Facebook ku soo biiray, si fudud ayaana ula qabsaday, waayo dadka aan ugu imid waxay ahaayeen Soomaali af Soomaali ku hadlaysa. Saddex bilood ka dib ayaan Twitter aaday bishii February ee 2011, waxaana igu adkaatay in aan la qabsado dhaqankii ka jiray, waayo Soomaalida iyo af Soomaaliga ayaa ku yaraa dadkii aan ugu tegay.
Bishii January ee sanadkaan ayaan mar kale Twitter ku laabtay, ciwaankeygii hore ayaan dib u furtay, dad Soomaali iyo ajaanib ah oo ay ii fududaatay in aan la jaanqaado ayaana ugu tegay.
Twitter waa magaalo deggan oo ay naftu ku raaxeysaneyno qoraalladeeda kooban, kala duwan, ee waaqiciga ah, ayna uga nasaneyso buuqa Facebook ka jira iyo dhaqanka liita ee ah in hal mowduuc oo aan naf laheyn lagu wada yaaco.
Erayada uu qofku Twitterka ku soo qori karo oo ku xadidan 280 xaraf iyo qoraalka oo uusan waxba ka bedeli karin haddii uu daabacdo ayaa qofka ku qasbaya in uu farriintiisa ka fiirsado in uusan soo dhigin, mana tiri karo faallooyinka dadka xitaa haddii uu qofka Block saaro, in kaste oo ay dhowaan soo kordhiyeen in uu qofku iska qarin karto faallooyinka uusan rabin.
Qoraallo caqli ku dhisan oo ay ka dambeeyaan sabab iyo ujeeddo, dadkuna ay ka dhiibanayaan faallooyin maangaal ayaan Twitter ugu tegay, dadkuna kuma mashquulaan qofka wax soo qoray ee waxay ka faalloodaan mowduuca uu ka hadlay, mana ka jirto nacamleynta Facebook taalla ee uu qofku sameysanayo dad mar kaste u sacabtuma, oo qof ama koox Xoogagga Waddaniyiinta oo kale ah way ka adkaaneysaa in uu caalamka Twitter ku noolaado.
Dhaqanka ugu fiican ee aan Twitter ku arkay waa in qofka lagu qiimeeyo tayada iyo nuxurka qoraalkiisa, oo aysan micno badan ka laheyn magaca iyo mansabka uu qofkaasi leeyahay.
Markii aan Facebook ku jiro waxaan dareemaa inaan ku joogo xaflad Soomaali lagu casuumay, balse marka aan Twitterka ku jiro waxaan dareemayaa in aan joogo goob ay dad kala duwan isugu yimideen. Dad Soomaali iyo ajaanib isugu jira ayaa ka falcelinaya erayo aad qolkaada ka soo dhex qortay, waana meel aad farriintaada ku gaarsiin karto cidda aad u rabto.
Dhalinyaro aan Facebook ku aqaanno waxaan ku shakiyaa in ay isla iyagii yihiin iyo in kale markii aan Twitterka ku arko, waayo waxaan arkaa qof Twitter xikmad la joogo oo aamusaya ama ka hadlaya wax ka duwan wixii aan uga bartay markii uu Facebook soo galo, halkaanna u soo aado baashaal iyo qaraaxo, waxaana ugu wacan in ay mar kaste xirtaan ookiyaalaha laga xiran yahay halka ay markaas joogaan.
Twitterka waxaan ku arkay dad Soomaali ah oo Soomaali la hadlaya, arrin Soomaaliyeedna ka hadlaya, oo af Ingiriis ku hadlaya, kana faanaya in ay af Soomaali ku hadlaan. Malaha, waxaa dhaqankan abuuray diyaasbarada oo Twitter ku badan, dib-u-dhacna u arka in ay Soomaali ku hadlaan.
Dad sheegto wax aysan aheyn ayaan Twitter ugu tegay. Waxaan ku arkay arday jaamacaded oo qortay in uu yahay khabiir maaliyadeed, mid hadda qalinjebiyay oo sheeganaya cilmibaare sare, iyo mid aan quutulyoomkiisu meel u saarneyn oo qortay in uu yahay aqoonyahan sare oo ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika.
Dad kooban oo isyaqaanna oo kooxkoox isugu xiran ayaan Twitter ugu tegay, Soomaali badan ayaana hadda ku sii firxaneysa, dhalinyaro badan oo Facebook iyo Instagram ka tagtayna waxaa ku adkaatay in ay Twitter la qabsadaan, waayo waxay la tageen wixii ay Facebook iyo Instagram la joogeen, halka uu Twitterku kugu qasbayo in aad la qabsato dhaqanka ka jira.

Comments

  1. Sxb Waxaad Ka Hadashay Wax Sax Ah Twitter Waxaan Kusoo Biiray 2017 Waan Ku Wareeray Waxaan Dib Ugu Soo Laabtay 2018 Appkaan Sidaan U Bartay Waxaa Igu Yaraaday Isticmaalka Facebook Iyo Instagram Twitter Waa Appka Aan Ugu Isticmaalka Badanahay Wax Badana Waan Ka Faa'iiday

    ReplyDelete
  2. Mahdsanid walal xaqiqda ayad ka hadashey in badan waxan isticmala twitter ka Apps kii kale xitaa waan hilmamey wxn ku arkey deganan isqabqabsi la'aan bartilamamed gaar ahned kama jirto qofkana waxaa lagu tixgeliyaa ama lagu qimeya waxaa uu aminsan yahy ee laguma tixgeliyo waxaa uu yahay.run ahnti waa maqaal isoo jiitey waana kaga mahd celinaya sida quruxda badan ee aad maqalka kooban ee xambarsan nuxur weyn noola wadaagtey
    MAHADSANID!!!

    ReplyDelete
  3. Waxaad kaloo jirta in qofka rabo inuu warbadan qoro uu xeeladeysto kuna soo qoro sawir kadibna uu soo galiyo. Si uu uga baxo xeyndaabta twitter-ka.

    ReplyDelete
  4. La qabsi la'aanta ugu wayan waa inaadan qoraal dheer ku qori karin, oo waa kooban yahay waxa la qoray marka waa inaad waxa qorayso aad usoo koobto

    ReplyDelete
  5. Aad oo weyn Twitter wakhtiyar ka hor way ahayd meel cilmi badani yaal dad ay maskaxdooda fekerkoodu aad u sareeyo ayaa wax ku falanqaynjirey lin maanta taasi mataal waxaad Moodaa in macnadaradii FB taaley halkan loo soo array.

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid walaal runtii markii aan akhiranyay qoraalkaaga waxaan mooday inaan anigu qoray sababtuna waxa weeye dhacdoodinka oo si isku mid noogu dhacay mahadsanid mar labaad saaxiib.

    ReplyDelete
  7. Faalo qurux badan ayaad ka dhiibtay twitter ka taa oo ku saabsan habdhaqan ka ka Jira caalamka twitter ka iyo farqiga udhaceeya Facebook iyo twitter ka aniga ahaan waan kugu raacay waayo twitter waxaa looga hadlayaaa waxa ka Jira caalamka Facebook waxaa looga hadla waxa laysku shukaansado marka meel mawada gali karaa

    Aniga twitter waxaan si toos ah ugu soo biirah 2018 aniga oo marar badan isku dayay in aan la qabsado lkn aan laqabsan waayay markii aan Dib ugu soo laabtay 2018 ila hada in yar ayaan Kala qabsaday inta aan Kala qabsadana waxaa ugu wacan in aan arkay somalia badan oo ku soo qoraya somali inkastoo ay jiraan dad kafaana luqadooda hooyo aniga ahaan aad ayaan ula dhacay inta aan Kala qabsaday

    Hussein sabrie aad ayaan ula socdaa qoraaladaada inta badan

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  8. Masha Allah waxaad ka hadashay wax ku ku galayaan xaqiiqoyinka dhbata ah ee soomalida iyo say u isticmaalan abraham bulshada.
    Anigu Twitter waxa ka faaiday ina ka oglaaday waxa caalmka ka socda si ka Hodan sida Facebook loogu sheego, aqoon yahano kala duwan oo Soomali iyo jaanis leh, halka Shah ee an ka yaabayna waxa weeyi dadka badankiisu siyaadada ayey ka hadlaan.
    Allaha nagu aamnsado isticmalka baraha bushada sideedaba Shah walba wa mid laba af leh, marka adaa Goanka gaadhi Kara kaad ka dhigan.
    Mahadsanid macalin Xuseen. Adoo miidhan ba ka faaiday Twitter ka ๐Ÿ˜„

    ReplyDelete
  9. Waxooga type error ayaa dhacay raali ahaada.
    Galayaan*salaysan
    Abraham*Baraha
    Ogalaaday* ogaaday
    Hodan*Hufan
    Jaanis*Ajaanib
    Shah*shay

    ReplyDelete
  10. Ciyalki xafada o nagu warershay facebok halkan wan kaga nasanay wax guul waden la dhahana kama jirto

    ReplyDelete
  11. Dhamman intaad soo qor waa wx sax ah oo jiro. Waxaan Twitter ku arkay masuul xilkii laga qaday hadane markaad gasho profilekiisa ugu aqoonyahay current Minster of ..... dad badan ayaa qorto wax uusan aheyn sidaad sheegtay.

    Sharaf iyo qadarin ku hayaa Hussein waxaad kamid tahay Dadka aan halkaan saaxibka ku nahay!
    ๐Ÿ™

    ReplyDelete
  12. Hadalkaan xaqiiqda ayow taabanayaaa xaraf kasta oo aan aqrinayo waxan umaleya in ow itaabanayo sidii igu dhacday ayaana sidaas aheed. Waxyaabaha aan meshan ka faido waxa waaye 1 dad ka dunida oo aad la soconeyso tusaale qof madaxda Somalida kamid ahi hadow aduunka lakulmayo uma baahnid in aaad raadiso asaga keenaya halkaan
    2. Dadka aqoontoodu hooseyso ee iska hadlaya waan ka nasty sidaad sheegtyna twetter ayaa afka qabty.
    3 halkani waa qol xiran waxaana ku jiri kara qof dan aan asaga aheyn leh.
    4. Waxan ka bartaa kuuqadaha oo waxa lagu hadlayo maahan luuqadahii qarniyadii hore waxkastoo igu cusub waan raadiyaaa.

    Facebook waa xaflad somalidu ledahy been maahan.

    ReplyDelete
  13. wll aad baad ugu mahadantahy xogta faahfaahsan ee aad naga siisay xogaha twitterka anigu waxan kusoo biiray saaka 11AM ilaa hadan waxn waday oo kaliya indhoindhayn kaliya waxbadan baad ii iftiimisay mahdasanid markale

    ReplyDelete
  14. Wllo, mahadsanid waxaan ka mid ahay dadka maqaaladada akhriya wax badan ayaan kaa faa'iiday.

    ReplyDelete
  15. "Mid quutulyoomka meel u sarneyn oo qortay aqoonyahan sare" aad Ayn ugu qoslay mxaa yeelay runta ayaad ku kaftantay. Si kasto ha ahaato, Twitter waxaan ku soo biiray 2017 ki waan la qabsan waayey waana iskaga tagay oo English aad uma aqoonin juhdi dheer ka dib English ayn so bartay 2019 ki March Ayn ku soo noqday lkn English ki aan soo bartay ma isticmaalo badanaa mxaa yeelay dadnimadeyda ayaa ii diiday iyo aqoonyahan adiga aad ka mid tahay uguna imid garoonkan oo yareeyey kusoo gudbinta fikradahooda luqadda English ka.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5แตƒแตƒแตˆ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...