Skip to main content

U ceebqari, ha laguu ceebqariyee!

Goor habeen ah ayay iigu timid gurigeyga. Iridda ayay soo garaacday, waan ka furay, waxayna igu tiri: Alle ayaan kugu dhaariyay ee igu caawi in aad ila asturto ceebteyda! Anigoo yaabban ayaan ku iri: Walaal maxaa qaldan? Waxayna tiri: Nin ayaa hadda ka hor i kufsaday, kadibna uur ayaan qaaday, haddana xaamilo ayaan ahay, haddii uu qof uurkaan wax iga weydiiyana waan ka qariyaa in la i kufsaday, waxaana u sheegaa in aan ahay xaaskaada, oo aan uurkaan adiga kuu leeyahay. Waxaan kaa filayaa kheyr iyo wanaag ee fadlan walaal ii ceebqari, adna waxaan Alle kuu weydiinayaaa in uu asturo ceebahaada. Kadibna anigoo aan u jawaabin ayay iga dhaqaaqday.
Muddo kadib way dhashay gabadhii. Kadibna imaamka iyo koox ka mid ah jamaacada masjidka ayaa guriga iigu yimid, iyagoo iigu hambalyeynaya dhalashada cunuggaan!
Farxad ayaan ku soo dhoweeyay, waana ka guddoomay hambalyada, kadibna waxaan galay qolkeyga oo aan ka soo bixiyay 100 Dirham, waxaan u dhiibay imaamka masjidka, waxaana ku iri: walaal gabadhaas waan qabi jiray, balse hadda waan kala tagnay, bil kastana waxaan kuugu dhiibi doonaa 100 Dirham oo biil iyo nafaqo u ah iyada iyo cunugga ay ii heyso, adigana waxaan kaa rajeynayaa in aad iga gaarsiiso. Imaamkii wuu iga aqbalay, sidaas ayaana lacagtaas ugu dhiibi jiray bil kasta.
Laba sano kadib waxaa dhintay cunuggii, waxaana ii yimid dad iiga tacsiyeynaya!
Maalmo kadib geeridii cunugga, ayuu xilli habeen ah qof soo garaacay iridka gurigeyga, waan ka furay, waaba gabadhii ii timid labo sano kahor oo boorso gacanta ku waddo, kadibna iyadoo ooyneysa ayay boorsadii ii dhiibtay, waxayna igu tiri: walaal halkaan waxaa ku jira lacagihii aad imaamka masjidka iigu soo dhiibi jirtay, waad ii ceeb qarisay, adna Alle ha usturo ceebahaada. Kama qaadin lacagtii oo waan ku celiyay, waxaana u sheegay in aan sadaqo u niyeysan jiray. Kadibna waxay iga tagtay iyadoo faraxsan oo ii mahadcelinaysa.
Sanad kadib, gabadhii waxaa guursaday nin ganacsade ah. Ninkii ayaa maalin iigu yeeray in aan shirko(share) kula noqdo ganacsigiisa. Waan ku farxay, waana aqbalay, wixii xiligaas ka dambeeyayna wuxuu Alle ii waasiciyay nolosha, wuxuuna ii furay ilo dhaqaale oo iga xirnaa.
Qisadaan waxay ku dhacday, kana sheekeeyay Axmed Binu Mahdi oo qarnigii saddexaad ee Hijriyada ku noolaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Imaamu Ibnu Kathiir ayaana ku wariyay buuggiisa Al-Bidaayah Wannihaayah, mujallada 11-aad, bogga 185.

Comments

  1. Qiso ku cibro qadasho mudan mhdsndπŸ™πŸ™πŸ™πŸ™

    ReplyDelete
  2. Waa qiso macnno badan xanbarsan inna faraysanna in aan ceebaha dadka aan la sheegin oo la asturo si alle taadda u dabboolo alle xaqa ha ina garansiiyo mar walba noo soo badi qisooyinkan oo kale mahad sanid

    ReplyDelete
  3. Waa wadooyinka dadka Kheyrka badan taas oo ay adagtahay in lahelo maanta Qofkii sameeyana uu yahay xidig bulsho maanta jirtaa leedahay . Runtii waa isoo jiidatay. Mahadsanid uataad sabriye.

    ReplyDelete
  4. Allah aya mahad is kaleh oo wafijiyay qeryka

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5α΅ƒα΅ƒα΅ˆ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...