Waxaan daawaday wareysi kooban oo telefishanka Asal24 uu shalay garoonka Stadium Muqdisho uga qaaday Cabdullaahi Cabdifitaax oo taageere u ahaa degmada Wardhiigley oo 3-1 uga badisay Gubadley.
Cabdullaahi Yare wuxuu yiri “Maanta dareenkeygu aad ayuu u kacsan yahay. Wartanabadda intaan iyo ka sii badanba waan u rajaynayaa. Laakiin maanta guusha ay gaartay guul ma aha. Oo banooni qababac iyo qajajac ah ayay dheyeleysay. Macallinka iyo ciyaartoyda Wartanabadda waxaan u rajaynayaa in ay wax fiican soo sameeyaan.”
Waxaan ka helay sida aysan taageerannimadu indhaha u tirin Cabdullaahi, oo isagoo taageersan Wardhiigley uu haddana qaladkooda u qiray, uguna dhaliilay. Macallinka iyo ciyaartiydana ugu baaqay in ay dhaqankaas wax ka bedelaan.
Cabdullaahi wuxuu noo dhigay cashir dahabi ah oo aan baahi badan u qabno, ayna bulshadeennu ka arradan tahay. Aan ku tusaaleeyo dadkii afartii sano ee la soo dhaafay sax iyo qaladka ku taageeray kooxda Nabad iyo Nolol, ee ugu sacabtumayay dembiyadii ay dalka ka gaysteen. Sida dhiibistii Qalbidhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hooyooyinkii laamiyada ku oynayay ee carruurtooda ku maqan tahay Eritrea, sidii loo maareeyay kiiskii Ikraan Tahliil, boobkii doorashooyinka ee ay ka sameeyeen maamul-goboleedyada iyo boobka doorasho ee ay maanta dalka ka wadaan.
Taageerada iyo jaceylka aad koox ama qof gaar ah u qabto ma aha in ay kaa indhatiraan ceebahooda, ee waa in adigoo taageersan aad sidii Cabdullaahi dhaliili karo, fartana ku fiiqi kartaa qaladka kuu muuqdo, si loo arko, loona saxo.
Garaadka iyo garashada Eebbe ha u siyaadiyo.
Waa arin muhiimad gaara leh
ReplyDeleteMaasha alah waxaad moodaa aniga inaad igula hadlayso qoraalka NN si indha la'aana dhalinyarada u taageerta waanka mid ahaa lkn hada anaa iskay iskaga dhaafay arinkooda markaan anoo weligay xamar tagin dareemay hagardaamada dawladu leedahay aysana ahayn inaan cidkale ku bedeshay taageeranimadii NN markaad xoogaa kortaba hadaadan caqliga ka Karin ee aad jismiga keliya ka korto taasi koritaan maahane waa muuqaal ahaan inaad u harag weynaato alx banii aadam baa nahay waa khaldami karnaa lkn in wax walb ay Naga indha tiraan taageeraha aan waxaas u hayno waakugu raacsanahay wlaal aad baa u mahadsan tahay siyaasada iyo sirdoonka aad Baan u daneeyaa lkn labaduba way is bedelaan marwalba
ReplyDelete