Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2017

Maalmaha Qoyska Q 7-aad

Falis iyo Qanciye oo hadalo kulul Taleefanka isku dhaafsaday, Qanciye oonan soo jiifaneynin iyo Falis iyo Carawelo oo Guriga jooga ayay noo mareysay. Carawelo ayaa Falis uga sheekeysay Dhagarta Ragga, waxayna xusuusisay codkii ay Bil kahor Qanciye kasoo duubtay, waxayna u sheegtay inay aaminsantahay inuu Qanciye yahay Shabeel-Naagood aan Caawa Shaqo jirin balse aaday Naago kale uu si qarsoodi ah u qabo, waxayna kula talisay inay Feysbuug ka sameysato Ciwaan cusub kana Shukaan sato Qanciye iyadoo iska dhigeyso Gabar Calaf-Doon ah, si ay u tijaabiso inuu Dumarka kale u jilcanyahay iyo inkale. Kama diidine waxay Feysbuug ku sameysatay Magaca [Shankaroon Guuleed] oo ah Gabar Shidan oo Qanciye deris ahan jireen, isla Habeenkiiba waxaa Feysbuug ku dhex-maray isbarasho kooban, Maalinkii xigtayna waxay u sheegtay inay tahay Shankaroon Guuleed oo rabta inay Mustaqbal la sameyso maadaama ay ku taqaanay Diin iyo Dabecad fiican balse Qanciye ayaa Qoraaladeeda ka fahmay inay tahay Falis oo Ma...

Maalmaha Qoyska Q 6-aad

Maamo Malyuun oo balaayo ka talisay, Falis oo Horor noqotay iyo Qacniye oo Dhiig-Bax Dhaqaale ku socda ayay noo mareysay. Shalayto Falis waxay Qaraabo Salaan u aaday Guriga Walalked, waxayna kusoo aragtay Jiif Qurux-badan oo lagu Sharaxay Midabka Calanka Soomaaliya. Qanciye ayay xalayto tusisay Sawirada Jiifkii ay kusoo aragtay Guriga Walalked, waxayna u sheegtay in Dhaqtarkii ay Maalmo kahor u tagtay kasoo sheegay Uur Labo Bilood ah ayna jimatay Jiifkan quruxda badan. Qanciy e wuxu u shegay inuusan hadda Lacag heyn ayna sugto inta Sanadkan ka dhamaanayo. Ma sugine, Falis oo Kaashaneysa Carawelo waxay saakay iibisay Jiifkeedii hore waxayna ku kabtay Lacag ay Asbuucii hore ka shaafteysay Qanciye, waxay tageen Carwo Jiifka lagu iibiyo, waxayna dalbadeen in Jiifkii ay dooqdeen loogu Sharaxo Midabka Calanka Soomaaliya. Sxbkey  Aqwaan Xasan Jidhi  oo ay Deris ahan jireen ayay Falis isku arkeen Carwada horteda waxayna ku tiri: Aqwaanow ila fiirihee, Jiifkan soow uma quruxsana ...

Maalmaha Qoyska Q 5-aad

Qacniye oo ku guuleystay inuu damiyo dabkii Carowelo shiday ayay noo mareysay. Jimcihii lasoo dhaafay Qanciye oo maqan waxaa Guriga timid Maamo Malyuun oo ah Faslis Eedadeed, inta Sariirta Qanicye Salka saaratay oo Qolka kor iyo Hoos ka fiirisay ayay Falis ku tiri: Hadde Sanad waa lagu qabaahe Lacag ma aruursatay? Eedo Guriga Hooyadey kamasoo shaqo-tegin ee waa la igasoo guursaday, ee see Lacag ku aruursanaayay ayay Falis ku tiri. Caku Doqonimadaada, Naa anigu Sagaal nin oo a an soo guursaday mid aanan Kuus Lacag ah kala harin kuma jiro ee Ninka ku daneyso ogoowna kula guursan doono haddey Lacag yar u aruurto. Naa Shilin yuusan Shilin kale u qaban oo ku fur Munaasado aad Lacag uga qaadi karto oo ka faa’iideyso Jaaniska aad Maanta heysato, haddaadan Taladeyda qaadanna waxan kula hadlaa Maalinka uu Qanciye Naag kale kula guursado. Eeddo Mahadsanid, Maalmahan Shaqo ayan raadinaayay, waxaadsa i bartay si fudud oo Lacag ku sameyn karo anigoo Gurigeyga jooga. Thanks, kuwa waayo Eeddo a...

Maalmaha Qoyska Q 4-aad

Caraweelo oo belo ka talisay, Falis oo Kacsan iyo Qanciye oo Guriga kusii socdo ayay noo mareysay. Falis oo Qolka Fadhiga ku jirta oo Dhabanada heysata ayuu u galay. Dareen Murugo xambaarsan oo uusan uga baran ayuu ku arkay. Bac Khudaar ah uu waday ayuu istaagga ka tuuray, intuu Horteeda fariistay ayuu Labada dhaban ka shumiyay, Xabibty maxaa ku helay, uma qalantid inaad Murugooto. Qalbigeyga yar iyo Indhaheyguna ma xamili karaan inay arkaan Falis oo ilmeynaysa ee macanto max aa ku helay ayuu ku yiri. Deetana Cod Murugadu dhinac ka taabatay ayuu Meerisyadan ugu qaaday: Dawadii Naftaydaay * Dadka taan ka doortaay Dumar haygu noqonine * Waxaan kaa dareemayo Waxaad damacday maahee * Miyaa laygu kaa diray?! Inta ilmadii ka qubaneysay iska tirtay ayay u sheegtay waxa dareenkeda bedelay. Si aan ka gambasho laheyn ayuu ugu jawaabay, wuxu u shegay inay Shaqadiisa tahay Qancinta Macaamiisha iyo soo dhoweyntoodu, wuxuu ka dhaadhiciyay siduu Macaamiilkiisa u Qancin karo isagoon dareen Dam...

Maalmaha Qoyska Q 3-aad

Reerka oo Jimcaha Qadmo ku balansan iyo Maamo Ashkiro oo Taageeraha Koobaad ee Qanciye noqotay ayay noo mareysay. Subixii Jimcaha Falis waxay u yeertay Carawelo oo ah sxbted Maalmahan Garoobeyneysay, si ay uga caawiso Howlaha Cunta-Karinta Culimada. Kushiinka ayay ku jiraan, Xan Fresh ah iyo Xusuusahoodii hore ayay ka sheekeysanayan. Naayaahee, Ninkaada adigoo ku kacsan ayaa iigu kaa dambeysee, warka igu dhoob hee, maxaa iiga kaa dambeyay ayay Carawelo tiri. Falis: Sxbey wax badan baa kaa dambeeyay, Qanciye Ninkaad oged maaha ayay ugusoo koobtay. Carawelo: Nin baabkiisa iga xir. Kii Abshir ahaa waa ogeed siduu ii koolkoolinaayau inuu Naag kale ila Guursaday, Maantana waakan aniga Garoobeynaya ayay tiri. Falis aya inta Madaxa kor usoo qaaday tiri: oo Qanciye iyo Abshir maxaa iska galay!, Waa Nin iyo Nin la'aane!. Waa ogeed inuu Abshir isagoo ku qabo aniga igu deyay; Bal waa kaase Qanciye hakusoo Hunguryeeyo ayay tiri. Hadalkaasi Carawelo meel ayuu ka taabtay,, halkaasna ugama ...

Maalmaha Qoyska Q 2-aad

Qacniye oo iridka kasii baxaya iyo Falis oo ugu Duceyneysa inuu soo Nabad-Noqdo ayay noo mareysay. Sida ka muuqatay Shekadodana waxay isla garteen inay Qaab Nololedkoda wax ka bedelaan. Habeen hore, Cishaha kadib Daashka hore ayay Labo Kursi dhigteen, Tarmuus Shaah, Garaafo Cabitaan ah iyo Baaquli Daango ah ayaa dhexdooda yaallay, Qosol iyo Wayrax ay keentay Farxad aan looga baran ayaa ka baxaya. Mar ay Saacaddu xilli dambe tahay, Shanqartuna yaraatay waxa Qosolkooda kusoo kacd ay Maamo Ashkiro(Falis Hooyaded) oo Guriga wax ka degan, Karbuuno ay wadatay ayay ku shidan, iyadoon hadlin oo Farajaceysa ayay Qolkeeda ku laabatay. Kolley Qanciye oo Gabadhada ka qoslinaya ma arki jirine caawa muxuu ku aqriyay, Tolow ma sixraday ayay is weydiisay? Markuu waagu beryay ayay Falis Jikada uga yeertay, waxay ka waydiisay waxa kusoo kordhay noloshoda. Falis waxay Hooyaded u sheegtay inay ka reysatay Noloshii hore ee Qarfadka ahed ayna hadda heshay dhadhanka saxda ah ee Farxadda Qoyska ayna...

Maalmaha Qoyska Q 1-aad

Falis waa Xaaska Qanciye oo ka shaqeeyo Dukaan Cosmetics-ka lagu iibiyo. Qanciye oo daallan wuxuu Shaqada kasoo baxaa Galabkii. Habeenkiina horay ayuu ka jiiftaa markuu Salaadda Cishe soo tukado, sida ka muuqata Jadwalkiisa iyo Daalka hayo Qanciye iyo Falis isuma helaan Waqti badan oo ay ku sheekeeystaan. Markuu Qanciye Hurdo isu duuduubo ayay furataa Feysbuugga oo ay marmar ku aragto Sawiro ay saaxiibadeed lasoo galeen Nimankooda, markaasey Qoomamo iyo Shalaay ka gashaa Dooq eeda iyo halka uu Calafku dhigay maadaama aysan helin saaxiib u Ciyaarsiiya sidii Caruurta, Cadowgeedana ka jebiya. Xalayto oo ay ugu darneed, Falis waxay Feysbuugga ku aragtay Sawirka Fannaan meel Fagaaro ah ku Shuminaya Xaaskiisa. Sawirkaasi wuxu sii huriyay dabkii Falis gudaha uga shidnaa, waxay iska dhaadhicisay inay Noloshaas mudneed waxayna Feysbuug ka baxday iyadoo Niyad-Jabsan xalayna si fiican uma seexan. Ifur iyo Farxad kuguma heysto waxay ahayen erayadii ugu horeyay ee Saakayto ku dhacay Dhegah...