Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2021

Farmaajo ma sidii aan moodnay, ma sida uu noqday, mise sida aan loo noqon doonin!

Dec 2016 ayuu Farmaajo dib ugu soo laabtay Muqdisho oo ay ugu dambeysay markii looga guuleystay doorashadii Sept 2012. Maalinkii uu Muqdisho ka soo degay isagoo musharrax ah waxaa ilaalinayay ciidan dowladeed oo gantaallo ku hubeysan. Shacab ayaa soo dhoweeyay, mana jirin cid carqaladaysay. Bil kadibna Madaxweyne ayaa loo doortay. Habeenkii la doortay waxaa garbihiisa istaagay oo guushiisa bogaadiyay labadii Madaxweyne ee ka horreysay, Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif. Xasan Shiikh oo habeenkaas hadlay wuxuu si niyad ah ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo. Wuu u duceeyay, wuxuuna Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay in ay garab-istaagaan. Shacabkuna taageeradiisa uma kala harin oo waxaa habeenkaas Muqdisho iyo gobollada kaleba ka dhacay bannaanbaxyo farxadeed oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo, oo aan malaynayo in aysan cid kale heli doonin. La mood, noqose wayday. Farmaajo wuxuu dowladnimadii curdarka aheyd kula orday jid qardajeex ah oo qodxo badan. Dal iyo dad mid...

Shalay maanta u ekaa!

Waxaan daawaday tebin toos ah oo uu Shabelle TV Facebook uga samaynayay shir ka socday Royal Palace oo lagu taageerayo dowladda. Shirka waxaan uga dhex jeeday Cali Maxamed Geeddi, Xuseen Caydiid iyo Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmadheere). Waa saddex dhiigyocab oo ay tahay lagula xisaabtamo dambiyadii dagaal ee ay gaysteen. Cali Geeddi oo Raysulwasaare ah iyo Xuseen Caydiid oo Raysulwasaare-ku-xigeen ah waxay Dec 28, 2006 Itoobiya soo galiyeen Muqdisho, oo ay ka xasuuqday dad ku dhow 30,000 waxayna barakicisay shacab hal milyan ka badan.  Feb 16, 2007 Gacmadheere oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu sheegay in ay ciidamada Itoobiya ku saxan yihiin in ay madaafiic ku garaacaan xaafadaha Muqdisho. April 2, 2007 Gacmadheere wuxuu dadkii madaafiicda ka qaxay ku tilmaamay dalxiisayaal, wuxuuna joojiyay gargaar ay hey’adda WFP gaarsiin laheyd barakacayaasha. Dec 16, 2007 Gacmadheere wuxuu sheegay in dadkii ka barakacay dagaalada aysan dib ugu soo laaban doonin Muqdisho.  Dhan kale, ...

Haddii Islaamku sidaas yahay, waxaan rabaa in aan muslimo

 Lauren Booth waa wariye Biritish ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul-insaanka. Waxay isla dhasheen xaaska Raysulwasaarihii hore ee Ingiriiska, Tony Blair. Wariye Lauren waxay si adag u diiddaneyd duullaankii uu Mareykanku ku qaaday dalka Ciraaq 2003dii, waxayna taageere weyn u tahay qadiyadda Falasdiin.  Lauren Booth oo ka sheekeyneysa sidii ay u soo islaamtay ayaa waxay tiri:  “Waxaan safar shaqo ku tegay Falasdiin. Waxaan la kulmay dad danyar ah oo ku hoos nool gumeysiga Yuhuudda. Hooyooyin gablan ah oo carruurtoodii la dilay ama la xiray, iyo dad ay gantaallada Yuhuuddu cuuryaamiyeen ayaan ku soo arkay. Isma dhiibin oo nolosha kama quusan dadkaas silaca ku nool ee lagu sameeyay wax kasta oo rajabeel ka dhigi lahaa, oo waaba dad aniga iga farxad badan. Waxa ugu badan ee aan guryaha reer Falasdiin ku soo arkay waa kutubka Quraanka. Waxaan waydiiyay waxtarkiisa, waxayna ii sheegeen in uu kutubkaani barayo dhaqammada wanaagsan. Waxaan soo xurmaysatay kutubka Quraanka. Waan kal...

Muqdisho nabad ayay rabtaa ee yaan dagaal loogu booteyn!

Maalin Khamiis ah oo ku beegan 14 sano kahor maanta oo kale(April 19, 2007) waxaa Muqdisho ka billaawday dagaalkii sagaalka maalmood, ee ay shacabka Muqdisho la galeen ciidankii Itoobiya. Waxaa lagu sheegaa dagaalkii ugu cuslaa ee abid Muqdisho ka dhacay. Laamiyada Muqdisho ayaa lagu gubay, laguna jiijiiday maydadkii Itoobiyaanka, maalmo kadibna wargeys ka soo baxa Yaman ayaa qoray in 89 askari oo Itoobiyaan ah oo ka soo baxsatay dagaalka Muqdisho ay tahriib ku galeen dalka Yaman. Shacabku waxay ka kaceen xadgudubyadii ay u gaysanaysay Itoobiya, dagaalkuna uma aheyn xalka koobaad ee waxay doorteen markii ay dhanka Itoobiya ka fashilmeen heshiisyo ay la galeen odayaashii dhaqanka. Reer Muqdisho waxay u dhiirradeen in ay AK47 la hortagaan cadaw taangiyo ku hubaysan, waxaana halgangooda hal-ku-dhig u ahaa: geeri ama gobannimo. Sagaalkii maalmood kadib, Guddoomiyihii Maxkamadaha, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in ay bedeleen kaartadii dagaalka, waxayna qaateen taatiko guuleysatay oo ku...

Halgan guuleystay!

Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Ismaaciil Salaad Jaamac. 12 sano kahor Geeljire ayuu ahaa, maantana waa Sheybaariiste ka hawlgala mid kamid isbitaallada Muqdisho ugu tayada fiican.  Baadiyaha Godinlabe ayuu ku dhashay kuna soo barbaaray. Qoyskiisa oo reer guuraa ah ayuu xoog iyo lafdhabar u ahaa. Markii uu soo qaangaaray iyadoo ay waalidkiis qorsheynayaan in loo guuriyo gabar ay ehel ahaayeen ayuu go’aansaday in uu sahan waxbarasho u soo aado Muqdisho. Xamar oo laga kala cararay oo duleedkeeda loo barakacay ayuu soo galay, wuxuuna uga sii gudbay Ceelasha Biyaha.  Adeerkiis oo waardiyo ka ahaa iskuulkii aan anigu dhigan jiray ayuu u tegay. Maalinkii bareefad ayuu Xisaab, af Soomaali, Carabi iyo Ingiriis ka dhiganayay. Habeenkiina adeerkiis ayuu iskuulka kula hoyan jiray. Waxaan arki jiray isagoo buugaag wato oo wixii ku adkaada waydiinaya macallimiinta iskuulka.  Markii Ceelasha Biyaha laga soo laabtay ayaa adeerkiis shaqadii iskuulka ka tegay. Isaga ayaana waardiyo ka no...

Isagoo faraxumeynaya ayuu muuqaal ka duubay

Waa habeen Jimco ah, Feberaayo 12, 2021. Saacaddu waa 01:30 habeennimo. Waxaan ku daahnay galbiska arooska saaxiibkey. Markii aan arooska ka soo laabtay ayaan meel mugdi ah ku arkay gabar indhareer xiran oo aan da'deeda ku qiyaasayo 17 jir. Waxaan warsaday, waxayna ii sheegtay in ay isku soo dhaceen hooyadeed oo ay sababtaas guriga uga soo tagtay. Waxaan waydiiyay halka ay deggan yihiin, waxayna ii sheegtay degmo ka fog tii aan joognay. In aan gurigeyga u wado oo ay caawa nala joogto, berrina aan qoyskeeda u geeyo ayaan isku fahannay. Markii aan guriga tagnay ayay xaaskeyga igu tiri: wax kasta ayaa dhici kara ee maxaan sameyneynaa haddii caawa naftu uga baxdo gurigeenna? Isla habeenkii ayaan gurigeeda geeyay. Hooyadeed ayaan is warsannay. Waa gabar habarteed lagu furay oo aan aabbe iyo walaal laheyn. Habartii ayaan is garannay oo waxay la dhalatay oo gabadha abti u ah nin aan sallax banooni iskula ciyaari jirnay oo dalka ka maqan.  Maamadii waxay igu tiri: gabadheydu intaan waa fii...