Skip to main content

Posts

Maqaallo xiiso badan!

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...
Recent posts

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...

Dhambaal ku socdo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sh. Cabdulqaadir

Salaam mudane Wasiir, Waxaan kuu arkaa wasiirka wasaaraddii uu ugu habboonaa loo magacaabay, maadaama aad lafdhababar u ahayd iftiinkii waxbarasho ee dalka ka bidhaamay xilli ay adkeyd in waxbarasho lagu riyoodo. Waxbarashadaas oo ay ka aflaxeen dhallinyaro badan oo ay qaarkood kugula jiraan Golaha Wasiirrada, waxaa maanta ku yaalla dhaawacyo daweyn iyo daryeel kaaga baahan. Waan ku kalsoonahay in aad in ay xogogaal u tahay xaaladda waxbarashada dalka, lexajeclo badanna kaa hayso. Taas ayaana igu dhiirrigelinaysa in aan dhambaalkan furan kuu soo diro.  War helaa talo helo. Muddo ayaan ka sii maqan tahay hoggaanka waxbarashada. Xogwareyso oo waqti la qaado bahda waxbarashada, si aad u fahmanto halka ay wax marayaan iyo baahiyaha jira; una sameey hab ay kuugu soo gudbiyaan talooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan. Iskuulladu waxaa dhibbanayaal u yihiin isqabqabsiga u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. Markii ceelley heshiiso, ayaa xooluhu biyo...

Daryeelka Darbijiifka ayay isu xilqaantay!

 “25 sano oo aan Holland, Ingiriiska iyo Masar ku noolaa kaddib, ayaan Muqdisho ku soo laabtay 2016kii. Waxaan degay agagaarka KM4. Mar kasta oo aan marayo isgoyska KM4 waxaan arki jiray carruur darbijiif ah oo koollo ku dhuuqeysa derbiyada. Labo carruurtii ka mid ah ayaan maalin la sheekeystay. Sheekadooda ayaa i taabatay. In aan duruuftooda fahmo oo wixii aan awoodana ayaan isku dayay. Gurigeyga ayaan geeyay. Qoyskeyga ayaad ka mid tihiin ee halkan cuntada u soo doonta ayaana ku iri.  Subax ayaan u raacay meel ay carruurta darjiifka ah ku kulmaan. Waxay ii geeyeen koox cabsan oo wata caagado ay koollo ka dhuuqayaan. Waan kala bartay. Arrad daran ayaa ka muuqday. Waxaana u soo iibiyay kabo iyo dhar huudhey ah. In aan noloshooda wax ka beddelo ayaan go’aansaday. Dhul weyn oo aan lahaa ayaan go’aansaday in aan ka dhiso xarun carruurtaas lagu xannaaneeyo. Dhawr boos oo ka mid ah ayaana gaday si aan u helno lacag aan ku dhiso.  Toban wiil ayaan ku billaabay. Markii aan maalm...

Soomaaliyey dadkiinna kala barta!

God mugdi ah ayuu iftiin ka dhex arkay. Soomaaliya oo holcaysa oo qof kasta oo awoodi karay uu naftiisa iyo xoolihiisa kala cararay ayuu doortay in uu naftiisa iyo hantidiisa ku biimeeyo. Magaalo furin dagaal ah oo ay ka jirtay sabab kasta oo ku dhiirrigelin kartay in uu ka cararo ayuu ku dhiirraday in uu ku noolaado, oo ganacsina ka dhex abuuro. Jid qodxo badan ayuu qaaday. Halgan dheer oo ugu dambeyn miradhalay ayuuna ku gaaray heerka uu maanta joogo. Wuxuu dalka ka hirgeliyay shirkadda Soomaaliya ugu weyn ee maanta loo shaqatago. Kumanaan qoys ayaa ku tiirsan oo laga biilaa ganacsiyadii u soo harjaday; Soomaali oo dhan ayaana ku tiirsan adeegyada ay bixiyaan. Horumarka dalka iyo shaqa-abuurka dadka ayuuna gacan weyn ka gaystay. Hey'ad shirkaddiisa u qaabilsan samafalka iyo taakuleynta dadkeeda ayuu sameeyay. Markii ay dhibaato dhacdo sida abaar iyo fatahaad, shirkaddiisu waa tan koowaad ee dadkeeda u gurmata. Markii uu dalka ka dillaacay Coronavirus, waxay isu xilqaantay badbaad...

Macallin Farmaajow Mahadsanid

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad kobcisay wacyiga iyo ogaalka dad badan. Dad  danahooda iska raacan jiray, oo aan siyaasadda iyo xaalka dalka waxba kala socon jirin ayaad ku qasabtay in ay hurdada ka kacaan oo ay aragti ka yeeshaan waxa dalka ka dhacaya. Aan kuu tusaalaayee, Mohammed Deeyoo oo fanka ka shaqeyn jiray ayaad ka dhigtay muwaadin dhiifoon oo ka faalloodo xaaladda iyo masiirka dalka. Macallin Farmaajow mahadsanid. Dadka ayaad na kala bartay. Waxaad abuurtay duruufo iyo xaalado adag oo lagu imtixaanay damiirka iyo dadnimada qofka. Waxaad kala miirtay dad badan oo isku dhex jiray. Doqonta iyo waxgaradka ayaad na kala tustay. Danleyda raqiista ah ee la iibsan karo ayaad naga bartay kuwa mabda'a iyo dadnimada leh ee aan ogoleyn in damiirkooda shilimaad lagu gorgoriyo. Dambiyadii waaweynaa ee dalka ka dhacayna waxaad ku barannay in dad badan oo xuquuql-insaanka iyo xuquuqda haweenka u doodi jiray ay ku qaraaban jireen ee aysan ka aheyn wax ay aaminsanaayeen. Macallin Far...

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali?

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali? Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Cabduqaadir Salxa oo ay dhashay maamo Faadumo Cali Gacal oo ku magacdheer Maamo Faa Cali. Cabduqaadir oo aan maanta ku kulannay Madasha Aragtiwadaagga ee machadka Heritage oo ka dhacaysa Guriga Ummadda ee magaalada Jabuuti ayaa iiga sheekeeyay sida uu ku baxay magaca Ciyaal Faa Cali. Wuxuu yiri: “Waxaan ku dhashay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Hooyadey Faay Cali Gacal waxay rooti ku iibin jirtay iridka iskuulkii Dugsi sare Banaadir. Aabbaheyna wuxuu xaafaddaas ka ahaa macallin dugsi. Sanadkii 1978dii ayuu Macallin Nuur naga iibsaday gurigii aan Siigaale ku laheyn, si Mowlaca loogu ballaariyo. Lacagtii aan ka helnay booskaas waxaan boos uga iibsannay, ugana dhisannay xaafadda Madiina oo markaas cusbeyd. Intii ka soo hartayna dukaan ayay hooyo xaafadda uga furatay. Dukaankii waa kalakacay, wuxuuna yeeshay gaari xaajiyad khamsiin ah oo suuqa looga soo adeego. Hooyo waxay sidoo kale xaafadda ka furtay biibito, labadaan...