Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2020

U fikir si ka duwan sida ay dadku u fikiraan

Maalin hore waxaan suuqa Bakaaraha ku arkay nin ku shaqeysyo miisaanka dadka lagu cabiro oo ay dad badan ku xoonsan yihiin. Waxaan arki jiray rag miisaankaas wato oo ay macaamiil la'aan heyso, balse ninkaani wuxuu adeegsaday xeelad sababtay in lagu soo dhoobto.  Wuxuu istaagay waddo ay ku soo rawaxayeen dad suuqa ka soo hoyaaday. Wuxuu heystay makaroofan, wuxuuna dhahayay "ha iska socan ee isla soco, miisaankuna waa free oo lacag kaama rabo haddii uu miisaankaadu noqdo: 46kg, 51kg, 61kg, 72kg ama 84kg. Wuxuuna gacanta ku hayay warqad ay lambaradaasi ku qoran yihiin. Dadkii meesha marayay oo aan ka mid ahaa ayaa ku soo dhoobtay, waxaana saf dheer u galnay miisaankii, si aan u tijaabinno nasiibkeenna. Intii aan safka ku jirnay, dhowr qof ayuu miisaankoodu noqday lambarradii warqadda ku qornaa, lacagna kama uusan qaadin. Waxaase kuwaas ka badnaa dad aan anigu ka mid ahaa oo uu miisaankoodu intaas noqan waayay, ee uu lacag ka qaaday. U fikir si ka duwan sida ay dadku u fikiraan!

Macallinkeenna Allow kaal

“Waaagii madaafiicda lagu garaacayay xaafadaha Muqdisho ayaa madfac Fooriye ah ku soo dhacay iridka jaamacadda anigoo ilaalinaya arday imtixaan ku jirtay. Waan kala cararnay, arday kastana warqaddii imtixaanka ayuu la booday. Waxaan galnay dhisme shub ah oo jaamacadda ku dhex yaallay. Intii aan meesha ku jirnay waxaa dhegteyda ku dhacay arday meesha nagula jiray oo arday kale ku dhahaya: hebelow su’aal heblaayo maxaad ka dhigtay?! Xoogaa kadib waxaa noo soo galay muqaawamadii. Markii ay arkeen in ay tahay goob waxbarasho ayay nagu dhaheen: ka carara meesha oo guryihiinna kala aada. Waan kala tagnay. Saacad kadib ayaa waxaa i soo wacay mid ardaydii ka mid ah, wuxuuna igu yiri: ustaadow Kaaraan ayaan joogaa, warqaddii imtixaanka oo aan la cararay ayaana wataa ee halkee kuugu keenaa?! Dhacdadaan oo uu iiga sheekeeyay ustaad Mahamud Jimale waxay tusaale nool u tahay duruufihii ay macallimiinteenna ku soo shaqeeyeen iyo halgankii ay ardaydeennu wax ku soo barteen. Macallimiinteennu waxay if...

Ixtiraam caseeyaha

Annagoo jaamacad dhiganeyna ayaan bareeg u soo baxnay. Mid ardayda ka mid ah ayaa kabaha u dhiibtay wiil caseeye ah oo bannaanka fadhiyay. Wuxuu xirtay kabihii caseeyaha, wuxuuna ku yiri: fasalka iigu keen markii aad ii caseyso. Fasalka oo dabaq ku yaallay ayaan galnay, waxyar kadibna waxaa noo soo galay caseeyihii oo cagacaddeynaya oo gacanta kabihii ku wado oo raadinaya ardaygii kabaha u soo dhiibtay. Wuu siiyay, kabihiisa ayuu ka qaatay, wuuna naga baxay. Ustaad Naasir Haji oo fasalka noogu jiray ayaa nagu yiri: Ilaahey ka baqa oo cunuggaas miskiinka ah haku addoonsanina labada kun ee aad siineysaan, oo haku qasbinina in uu kabihiinna idinku soo raadiyo markii uu caseeyo. Wuxuu ka mid ahaa cashirradii ugu qaalisanaa ee aan jaamacadda ku soo dhigtay.  Ganacsiga in wax lagaa iibiyo waa lacag, in meesha aad joogto laguu keenana waa lacag dheeri ah. Haddii aad caseeyaha ka dabato in uu kabaha kuu dhaqo ama uu meeshaada kuugu keeno, waa gobannimo in aad lacag dheeri ah ugu darto oo a...

Waxbar oo ula dhaqan sidii qof isnsaan ah

Qoysas badan waxaa guryaha uga shaqeeya gabdho ay da’doodu u dhexeyso 8 ilaa 20 oo ay ka soo kireysteen qoysas danyar ah. Gabdhahaas badankood fursad uma helin dugsi Quraan iyo waxbarashada aasaasiga ah, da’daasna waa midda jiheyneysa mustaqbalka qofka, waana marka uu ugu baahi badan yahay, uguna diyaarsan yahay in uu waxbarto.  Gabadha guriga kaaga shaqeyso waxay mudan tahay waxbarashada ay gabadhaadu u qalanto iyo mustaqbalka aad carruurtaada la rabto, balse duruuftu uma saamixin, adiga ayayna maanta kula nooshahay, waxaana la helayaa dugsiyo iyo iskuullo la dhigto saacado iyo maalmo kooban, ee fadlan u iftiimi mustaqbalkeeda mugdiga ah oo ku caawi in ay waxbarato. Qaarkoodna ma dareensana qiimaha waxbarashada ee fadlan adigu ku dhiirrigeli in ay ka xorowdo xabsiga jahliga. Xusuusteyda kama go’in qoys ay u joogtay gabar shaqaale ah oo aan deris ku aheyn Geedjaceyl. Dugsi iyo iskuul ayay geeyeen. Waxay dareensiiyeen in ay ku nooshahay guriga hooyadeed. Gabdhahooda ayay kala qeybsa...

Xamar yaa iska leh?

Islaamka iyo dowladnimada casriga ah waxay na barayaan in aysan dadku dhulka kala laheyn, oo uu qof kasta leeyahay, kuna nacfin karo, aana laga xigsan karin deegaanka uu markaas ku nool yahay. Balse Soomaalida oo ah bulsho qabali ah waxay u sameysan tahay in dhulka la kala leeyahay oo uu qabiil kasta dego deegaan gaar ah, qofkii u yimaadana uu u yahay marti tixgelin mudan.  Waa sababta aad Raxanweyn u xusuusato markii aad Beydhabo maqasho, aadna u dareemeyso in aad joogto xarunta Saleemaanka markii aad Cadaado ka degto. Reer Muqdishana ay Wacadaan marti ugu noqdeen markii Ceelasha Biyaha loo qaxay.  Isla magaalooyinka dhexdooda ayaa reeruhu kala leeyihiin, waana sababta ay Gaalkacyo ugu kala qeybsan tahay Waqooyi iyo Koofur, Beledweynana u kala tahay Bari iyo Galbeed, oo ruuxa Gaaljecelka ah u dareemayo in uu soo fogaaday markii uu Bariga tago, kan Xawaadlaha ahna uu marti ugu yahay Galbeedka. Waa sababta uu ruux Sacad Muuse ah u dareemayo in uu soo tallaabay markii uu Masalla...

AMBAD

 Xabiibo Xasan waxay ku dhalatay magaalada Qoryooley 1981kii. Waxay curad u aheyd qoys danyar ah. Aaabbaheed Xasan Aadan wuxuu qowsaar ka ahaa beer ku taallay duleedka Qoryooley. Hanad iyo Xaawo oo ahaa lammaane ladan oo Muqdisho ku noolaa ayaa 1989kii waxay dalxiis u tageen beertii uu Xasan Aadan ka shaqeynayay. Hanad ayaa la sheekeystay Xasan Aadan, wuxuuna ogaaday duruufta adag ee Xasan iyo qoyskiisu ku nool yihiin.  Hanad wuxuu Xasan Aadan u sheegay in ay u joogaan carruur yaryar, ayna u baahan yihiin gabar guriga ka shaqeyso oo carruurtana u heyso, oo ay sidoo kalena wax u baraan. Xasan Aadan wuxuu qoyskii soo siiyay Xabiibo oo 8 jir ah, waxayna ku soo laabteen gurigoodii oo ku yaallay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan. Labo sano kadib, 1991kii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalladii sokeeye, qoyskii Hanad ee Xabiibo la nooleedna waxay u qaxeen xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Mareykanka. Xabiibo waxay mar kasta isweydiin jirtay halka a...

Dadkii dunta wanaagsanaa wali ifka kama dhammaanin.

 Isaga oo dugsi sare dhigto ayaan 2017kii isku barannay maktabadda xarunta Ifiye oo uu wax ku aqrisan jiray. Wuxuu ahaa arday han iyo hiigsi leh oo ay ku weyn tahay in uu waxbarashada heer ka gaaro. Saaxiibkey Cabdiwahaab Axmed Cali oo maktabadda Ifiye masuul ka ahaa ayaa maalin hore i soo wacay, wuxuuna ii sheegay in wiilkii yaraa uu jaamacad galay, balse uu dhowaan uga haray duruufo dhaqaale dartood, waxaana isla garannay in aan codkiisa gaarsiinno cid wax ka qaban karta.  Wiilkii ayaan la xiriiray, waxaana ka warsaday xaaladdiisa. Wuxuu igu yiri “Waxaan iskuulkii ka qalinjebiyay 2018, kadibna waxaan galay jaamacad aan qiimadhimis ka helay. Hooyadey oo hoteel ka shaqeynaysay ayaa iga bixin jirtay waxbarashada, balse qarashkii jaamacadda ayaa la kordhiyay, hooyana way awoodi waysay. Waxaana 2019 u wareegay jaamacad kale oo tii hore ka qiimajaban. Horraantii 2020 ayaa Coronavirus dartiis loo xiray hoteelkii ay hooyo ka shaqeyneysay, waxaana sidaas ku waayay qarashkii waxbarash...