"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaqo billaawday iyadoo jaamacad dhiganeysa, sidaas darteedna lagu diiwaangeliyay shahaado Dugsi Sare ah(Grade B)oo ay mushaar ahaan u qaadato $430 oo aysan joogto u helin. Mushaarkeeda waxay ku biili jirtay ehelkeeda, wax kasta oo ay rabto ama guriga looga baahdo aniga ayaa iibin jiray xitaa haddii uu xafaayad yahay. Markii uu noo dhashay cunuggii labaad ayay iga dalbatay in aan gaari u iibiyo. Markaas shiid ayaan ahaa, waxaana ka codsaday in ay i sugto. Way iga diidday, Waxayna igu tiri "Aniga ayaa hadda lacag hayo, ee keen wixii aad hadda heli karto, wixii aan ku darana ii soo celi markii aad lacag hesho" Iyada ayaan lacag ka deynsaday si aan iyada gaari ugu iibiyo! Saddex bilood kama nasan oo subax kasta waxay i waydiinaysay in aan u gudo lacagtii gaariga. Ugu dambeynna deyntii waan siiyay. Habeen ayaan Laptop-keyga shiday, waxaana arkay emailkeeda oo f...